Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Waraysiga oo muhiimadiisu ku qotontay wacyi galin meesha uu marayo halganka xoraynta Deegaaanada Ogadeeniya ayaa waxa Maxamed Rashiid ka war bixiyay safaro uu ku marayo waqooyiga Ameerika kuwaasoo kor loogu qaadayo tirada dadka ah ee Jaaliyadaha oo la doonayo inay si toos ah uga qayb qaataan Halganka siiba dhinaca dhaqaalaha iyo ka war helida xaalada dhabta ah ee ka jirta deegaanada Ogaadeeniya oo dad badani ku indho sarcaadeen horumarka siyaasada qotada dheeri ka danbayso.
Waraysiga ayaa lagu qaadaa dhigay( Dhagayso isaga oo dhamaystiran…..Waraysigii Sh Maxamed Rashiid Sh Cabdulaahi) 1.(Ku mudida irbada Suuxisada ah) waxa keenay in colaad laga huriyo Gaalkacayo iyada oo ay holcaso Itoobiya. 2. Dhiidaalka la sheegay in laga qodayo Ogaadeeniya. 3. Horumarka ka jira Deegaanada iyo soyaasada ka danbaysa iyo jidadka la disay waxa loo dhisay iyo ujeedada laga leeyahay iyo waxa la doonayo ama laga damacsan yahay.
Waraysiga dabadeed waxaa loo furay shacabka oo ay ku jireen qolooyinka ayidsan mabda’a DDSI. waxayna su aalaha nasiib u helay inay wadiiyaan 15 kamida boqolaalkii Jaaliyada Soomaalida ee dunida dacaladeeda ka soo xaadiray.
Ceegaag.com
Figradihiina