Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Kooxda Al shabaab ayaa horantii bishii la soo dhafay waxay waxay mamnuucday Adeeg ka mid ah adeegyada ay bixiso Shirkada Isgaarsiinta ah ee Hormuud Telecom adeegan oo lagu magacaabo 3G internet oo ay daddku aad hada u isticmaalaan.
Sidoo kale waxaa dhanka kale arintaasi ka hadlay Gudoomiyihiii Hore ee Goblaka Banaadir Tarsan oo sheegay haday Hormuud ay qaadato amarkii ay shabaab ku soo rogeen in ay gabi ahaanba shirkada talaabo laga qaadayo.
Hadaba ayadoo arinku uuu sidaa yahay majiraan wax mamuul ah oo dhanka shirkada ka socda oo arinkaasi ka hadlay.
Waxaa maalinti shalay ahayad qeebo kamid ah jubooyinka Hawada ay ka saareen shirkada isgaarsiinta ee Hormuud ayadoo ay damiyeen santarkii dhamaa ee laga hagi jiray Jubbooyinka oo ku yaalay Dagmada Jilib.
Sidoo kale meelaha ay sida daran u saameysay isticmaalka shirkada Hormuud ayaa waxaa ka mid ah Magalada kismaayo oo ah Xarunta ku meel gaarka ah ee Maamulka Jubba oo illaa xiligan ka jaran isgaarsiinta Hormuud.
Sikastaba, ma jiraan wax tilaaba ah oo ay qadeen Dowlada dhaxe ee Somalia iyo maamulka KMG ee Jubba walooow ay jiraan Dagaalo ladoono in lagu qaado goobaha ay haysataan Kooxda Alshabaaba.
Ceegaag Online
Kismaayo-Somalia
Figradihiina