Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Ogoosto 25, 2015 (Ceegaag) — Degmada Diinsoor oo Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay kala Wareegeen Al-shabaab dhamaadkii Bishii lasoo dhaafay ee July ayaa la sheegay in xalaaddeedu ay wanaagsan tahay.
AMISOM oo Sawirro kasoo qaadday ayaa Warbixin ay bogagooda ku qoreen ku sheegay in Shacabka degmadaas ku nool ay si diirran u soo dhaweeyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia markii degmadaas laga saaray Al-shabaab, iyagoo intaas ku daray inay dhawaan ka dhacday munaasabad lagu soo dhaweynayo ciidamada huwanta ah oo ay ka Qayb-galeen Rag, dumar iyo Waayeel, kuwaasoo Qaarkood Waddooyinka magaaladaas isugu soo baxay.
Saraakiisha AMISOM ayaa sheegay in Shacabka Degmadu ay markii dambe meel Fagaare ah isugu tageen, ayna soo Bandhigeen Cayaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka ah; iyagoo xusay in Shacabku iyagoo aan cabsi qabin ay Ciidamada Salaamayeen.
“Al-sbabaab waxay Walaalkey ku ganaaxeen inuu bixiyo lacag gaaraysa 800,000 oo shillin Somali ah oo u dhiganta [$40], kaddib markii lagu qabtay tubaako oo ay horay Al-shabaab uga mamnuucayn magaalada. Waxaan Dadweynaha Diinsoor ka codsaday inay lacagtaas ii Qaaraamaan si aan walaalkey uga badbaadiyo, taasina wayna ii hirgashay. Al-shabaab wax xorriyad ah kuma aanan haysan, Waayo xoriyadda shaqsiga ayay Fara-gelinayaan. Waxaas oo dhana maanta degmada Diinsoor kama jiraan… waayo Al-shabaab waan ka xorownay,” ayay Shikri Imaam C/llaahi oo ka mid ah dadka Degmadaas ku nool u sheegay AMISOM.
Degmada Diinsoor ayay Ciidanka Midowga Afrika ee ku sugan Somalia sheegeen inay u ahayd Al-shabaab goob muhiim ah oo ay ka helaan dhaqaalaha, ayna ka soo Abaabulaan Weerarrada Qorsheysan.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Diinsoor, Ibraahim Maxamed Nuur oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa yiri. “Diinsoor waxay ahayd xaruntii ugu weynayd ee Al-shabaab ay ku lahayd Gobolka Bay. Waxay ahayd goobtii ay ka soo abaabuli jireen Weerarradii ka dhici jiray Muqdisho. Waxay ahayd goob ay ka helaan dhaqaale, qaraxyadana ay ku diyaariyaan. Haatan dadka Magaalada way ku faraxsan yihiin in Al-shabaab laga qabsaday Degmada.”
Magaalada Diinsoor ee Gobolka Bay ayaa waxaa ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen maalin kaddib markii Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda iyo AMISOM ay la wareegeen Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, halkaasoo ay muddo sannado ah ka talinaysay Al-shabaab.
Ugu dambeyn, Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa Sheegay in Degmada Diinsoor ay gudaha u galeen 8:00 Aroornimo maalin Jimco ah 24-kii July 2015-ka, aysanna jirin wax is-caabin ah oo ay kala kulmeen Xoogagii ka tirsanaa Al-shabaab ee Degmada ku sugnaa
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina