Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Dowladda Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud ayaa waxaa hortaagan Caqabado salka ku haya Siyaasadda ay Dowladda ku talaabsaneyso, iyadoona Madaxweyne Xassan uu il-gaar ah ku hayo Caqabadahaasi.
Haddaba Caqabadaha ayaa waxaa kamid ah sida:-
1- Maamulo Gobaleedyada oo ay ugu horeeyaan Puntland iyoSomalilandoo ku tartamaya Helida dhaqaale, iyagoona gooni gooni dhaqaale uga qaadanaaya Beesha Caalamka.
2- Maamulka Puntland oo aaminsan inuu yahay awooda Caalamka, taasi oo Caqabad ku ah DowladdaSomalia, kadib markii Puntland ay awood aysan laheyn ka heshay Dowladdii uu Hoggaanka u hayay Shariif Sheikh Axmed.
3- Maamul Gobaleedyada dhinac ka cunaaya Dhaqaalaha ay Dowladda Somalia ka hesho Caalamka, haddana si gaar ah u cunaaya Lacagaha ka soo baxa Garoomadda ay Sahacabka ka dhoogaan, sida Garoomada Puntland iyo Somaliland IWM oo aan waxba lagasiin DowladdaSomalia(Teydana lihi, taadana kula lihi).
4- Dowladda Somalia oo aan si buuxda u kasban Salaadiinta iyo Waxgaradka Beelaha Soomaalida, taasoo sababeysa in Maamul Gobaleedyada dhanka Salaadiinta ka helaan awood buuxda.
5- Dowladda oo isku koobtay Odayaasha ka soo jeeda KoonfurtaSomalia, isla markaana ilaawday Odayaashii ka soo kala jeeday Puntland iyoSomaliland.
6- Xakameyn la’aan ka dhex taagan DowladdaSomalia, gaar ahaan Wasaaradad Maaliyadda oo aan muujin kaalinta shaqaalaha kaga aadan.
7- Gor-gortanka Ciiddamadad Africa ee AMISOM oo caqabad ku ah Dhaqaalaha ay DowladdaSomaliaka heli laheyd Caalamka.
8- Safaaradaha Dowladda ay ku leedahay Caalamka oo u dhaqma (La jiifshaa banana, la joojiyaa banaan).
9- Wasaaradda Gaashandhiga oo aan lasiin awood buuxda, gaar ahaan Wasiirka gaashan dhiga oo aan laheyn awood buuxda, iyadoona aad moodo inuu meesha ka yahay gacan yare.
10- Mushaar ‘la’aan heysata Ciiddamadda taasi oo muujineysa awood dari ku wajahan Dowladda.
11- Kasbasho la’aanta shacabiga ama dadyowga.
12- Sirta dowladda ama Hawlaha Sirdoonka ay qabtaan oo Waddooyinka ama Magaallada dhex yaacsan.
13- Tababaro la’aan heysata Ciiddamadda Sirdoonka, taasi oo sahleysa in Kooxaha XagjirkaSomaliaee Alshabaab Dowladda uga faa’iideystaan Weerarada iyo dhaqan galinta Mabaa’diidooda.
14- Madaxda ama Maamulada Xafiisada Dowladda oo aan loo dhaafin Hawlahooda isla markaana lala faragaliyo ama lala maamulo Hawlahooda.
15- Ciiddamadda Dowladda oo aan heysan wax qalab ah, markii loo eego waxaa ka qalabeysan Ciiddamadda Maamul gobaleedyadda.
16- Dowladda oo aan heysan Tirada dhabta ah ee Ciiddamadda Dowladda Somalia, Wasaaradad Difaaca oo Hawlaheeda kusoo koobtay Raadinta gaadiid dagaal ama dhaqaale, iyo Wasiirka oo aan wax Macluumaad ah ka heyn Ciiddamadda Dowladda.
17- Dowladda oo durbadiiba Saraakiisha Ciiddamadda kula dhaqaaqday Badal, halka Dowladaha Caalamka ay iyaguna ka fogaadan inay wax ka bedelaan Saraakiisha Ciiddamadda iyo Taliyayaasha Ciiddamadda Maadaama ay yihiin kuwa wax haligi kara ama wax wanaajinkara, halisna u ah inay Dowladda xiligaasi jirta ay Afgambiyaan.
18- Dowladda Somalia oo aan maamulin Xudduudaha dalka, Bil cagsi waxaa maamula Dowladaha dariska la’ah.
Si kastaba ha ahaatee, Qodobadaani ayaa waxa ay yihiin Dhibaato joogta ah oo mar waliba heysata DowladdaSomalia, waxa ayna isugu jiraan kuwa Dhaqaale iyo kuwa Siyaasad u baahan.
BY:GARYAQAAN
Figradihiina