Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Warbixin Xasaasi ah: Yuu udhaxeeyaa Khilaafka ka dhextaagan Shabaab “Xagee ku danbeyay Godane”

Waxaa Cirka isku sii shareeray Khilaafkii u dhexeeyay Alqacidada Somalia ee Alshabaab, kaasoo muddooyinkaani ahaa mid laga dareemaayay gabi ahaan Somalia, Khilaafka ayaa waxa uu sii xoogeystay ka gadaal markii Ciidamo ka tirsan kuwa Axmed Godane ay ugaarsi u galeen Dagaalyahaanada Ajaanibta Alshabaab la bohoobay.

Khilaafka ayaa waxa uu soo bilowday Bilowgii Sanadkii hore, waxaana la aaminsan yahay inuu ka bilowday Hoggaamiyaha Axmed Cabdi Godane iyo Hoggaamiyaha Ibraahim Afgaani oo isaguna la sheegay inuu in badan iska horgeeyay Hoggaamiyayaasha Alshabaab iyo kuwa Alqacida.

Sidoo kale, Khilaafka ayaa waxa uu Markii hore ka dhashay kadib markii ay Hoggaamiyayaasha isugu yimaadeen Kulamo kuwaasoo ka dhashay Afkaar kala duwan taasoo sababtay inay ka dhashaan Colaado salka ku haaya Maamul xumida ka dhex taagan Alshabaab.

Ibraahim Afgaani oo ka mid ah Saraakiisha Alshabaab, saaxiib dhawna la ahaa Hoggaamiyihii geeriyooday Ceyrow oo lagu dilay Gobalka Galgaduud, ayaa waxa uu si cad Axmed Cabdi Godane ugu sheegay inuu si qaldan u maamulo Dagaalyahaanada Alshabaab taasina ay gaf ku tahay Nidaamka Xarakada u degsan.

Afgaani, ayaa waxa uu dhowr mar Warqado Cabasho ah u diray Hoggaamiyaha Guud ee Alqaacida oo uu u sheegay inay jiraan maamul xumi ka dhex taagan Alshabaab, isla markaana Axmed Godane uu Alshabaab ka adeejiyay Dagaalyahaanada Ajaanibta ah ee ka barbar dagaalameysa Alshabaab.

Al-Dawahiri oo qoraal Jawaab ah usoo diray Hoggaamiyaha Alshabaab ayaa waxa uu ku canaantay inuu joojiyo Maamul xumida uu ku maamulaayo Al-qacidada Somalia ee Alshabaab, hadii uusan joojina laga qaadi doono Maamulka.

Khilaafka soo jiitamaayay 2-Labada Sanno ayaa waxa uu maalmo ka hor sababay in Maleeshiyo Taageersan Axmed Godane Dhaawac u geysteen Abu Mansuur Al-Amriki oo ka mid ahaa Hoggaamiyayaasha Ajaanibta ah ee ka barbar dagaalameysa Alshabaab, waxaana maalintii shalay xigay in Ciiddamo ka tirsan kuwa Axmed Godane iyo Ciiddamo oo uu Hoggaaminaayay Abu Mansur Al-amriiki ay isku farasaaren dagaal fool ka fool ah waxaana dagaalkaasi lagu qaarijiyay Cumar Xamaam oo loo yaqaan Abu Mansur Al-amriiki.

Ibraahin Afgaani oo ka mid ah Saraakiisha Alshabaab ayaa waxa uu Aaminsan yahay in dilka Cumar Xamaam oo loo yaqaan Abu Mansur Al-amriiki ka dambeeyay Hoggaamiyaha Alshabaab Axmed Godane, waxa uuna Afgaani dhowr mar Godane uga digay inuu waxyeeleeyo Ajaanibta ka garab dagaalameysa Alshabaab.

Inta badan Saraakiisha Alshabaab ayaa waxa ay aaminsan yihiin in Dilka Foosha xumaa ee loo geystay Cumar Xamaam oo loo yaqaan Abu Mansur Al-amriiki, uu ka dambeeyay Dagaal ooge Axmed Godane, hayeeshee Godane oo Arintaasi iska fogeynaaya ayaa waxa uu Habeennimadii xalay Muxaadaro ku qabtay Masjidka weyn ee magaalada Buulo-barte ee gobolka Hiiraan waxa uuna sheegay in rag uu ku tilmaamay ‘murtadiin’ ay Abuu Mansuur Al-Amriiki dil gaadmo ah u geysteen, wuxuuna sidoo kale xaqiijiyay in iska hor imaad ka dhacay goobta lagu dilay Al-Amriiki ay ku geeriyoodeen tiro maleeshiyo Al-Shabaab ka tirsanayd.

Si kastaba ha ahaatee, Alqaacidada Somalia ee Alshabaab ayaa waxa ay ka caroodeen dilkii loo geystay Al-amriiki oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid lagu kala geynaayo Alshabaab laguna soo afjaraayo Dagaaladda Alshabaab ay ka wadaan Somalia, taasoo dhalin karta inay soo afjarmato waxa loogu yeeray Alshabaab.

 

C/casiis Garyaqaan

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag