Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Cabdi Tashad ayaa isagu hanbalyo udiray maamulka cusub ee Puntland sidoo kalena amaan kula dul dhacay maamulkii hore ee Cabdiraxmaan Faroole.
Waxaa kale oo isna goobta ka hadlay Xuseen Cabdi oo isagu kasoo jeeda Shabeelaha Hoose magaalada Marka, Xuseen ayaa waxaa soo casuumay gudiga qaban qaabada xaflada isaga oo u mahad celiyay kuna dhiiro galiyay Soomaalida inay raacaan Wadadaa cad ee cadaalada ah ee ay kucaraabeen Reer Puntland. Xuseen ayaa hadalkiisa soo gaabiyay kadib markii uu qadka soo galay madaxwaynaha Puntland Dr. Cabdi wali Gaas.
Deeqo Jibriil oo iyadu ah madax Siyaadsada ee Soomaalida reer Boston ayna saaxiib dhaw yihiin Madaxwaynaha Puntland ayaa iyadu kusoo dhaweesay Dr. Gaas si uu ula hadlo shacabka reer Boston. Deeqo ayaa umahad celisay Madaxwaynihii hore ee Puntland Faroole iyo dawladiisii sidoo kalena u sheegtay Dr. Gaas in reer Boston gacmo furan kusoo dhaweenayaan.
Deeqo ayaa Hanbalyo u dirtay shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay ka Joogaan dunida daafaheeda uguna duceesay in ilaahay marlabaad huwiyo Bustaha Sharafta dawladnimo.
Madaxwayne Gaas ayaa intaa dabadeed la hadlay reer Boston isaga oo u tacsiyadeeyay reer Cabdicasiis Nuur Xirsi iyo reer Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo uu sheegay inay geeridu xaq tahay balse uu jeclaan lahaa inay baryo nalsii joogaan si ay u arkaan Soomaaliya oo kusoo noqotay xaaladii markii aytalada wadanka hayeen.
Sidoo kale Dr. Gaas ayaa ku celiyay Qorshaha dawladiisa siiba qudbadii uu ka hor Akhriyay Baarlaamka Puntland wakhtigii Doorashada.
Gabyaaga reer Boston Farxaan Gaygay ayaa gabay uusan ku margan markan ka tiriyay goobta. Gabaygan waxaana erayadiisa kamid ahaa.
Puntlanaay Bisaylkaad lahayd Baahay dunidiiye
Barashiyo aqoontaad lahayd Powerkii kore e
Baaldahab nimanbaa galoo bari u dhayreede
Bulsha waynytu Baaqbay direen lagu baraaraaye
Balad iyo Banaankaba la arag Baratakoolkiiye
Badbaadada dalkeenaa ku xiran bulan dheeriya e
Buugaag kuqora oo u dira baaqigii haray e
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
Afartaasi waa beegsigii eray banaan yaale
Afarkalena waa bicisada beeni raad maleh e
Bowwoow wixii baahi jirabaan baal ka rogayaa e
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
Bilicsani barwaaqaan rabnaa beero soo baxa e
Baashaalkii nabadaan rabnaa inuu bidhaamaaye
Badroolkiyo shiidaalkaan rabnaa inuu butaacaaye
Beesada iyo badarkaan rabnaa inay bulaalaane
Balanqaadka Baladkii maqnaa baylah yuusan noqon eee
eeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiMMM
Waxaa isna goobta lagu soo dhaweeyay Cabdiraxmaan Indhomaleh oo isgu reer Waamood ah waxa uu u tacsiyadeeeyay reer Cabdicasiis Nuur Xirsi kadibna waxa uu dadka u sheegay in reer Waamoodka lagu xanto inay xaga gabayada ka hareen isaga oo iska soo jaray tix gabay ah oo erayadeeda ay ka mid ahayd isaga oo ku halqabsaday saaxiibkii Cali Faysal.
Maanta oo akle ayay mudan tahay
Suugaan mugwayn madal laga tirshaa
Aan madaleeyo ee murtida iga qora
xilkan meertada ah
Ninba maalinbuu madanaha hayaa
Waa mahad Allee : Waa mahad Allee
Dalkii oo mushkilado iyo muran iyo Colaad Mashaqooyin dhicin
In ina Maxamed Gaas laga dhigay Madax iyo Masuul sare
Madaxwayne nin gayaa kama maarantee
Waa mahad Allee maantaba layidhi madalkeeda qabo
Waa mahad Allee halyay maskaxdii ina Camay Mataano looga dhigay
Waa mahad Allee la xulay Baarlamaan mug wayn
Milkiyeen Xilkii, mudanoo Siciid Madax looga dhigay
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
“Waxaa haatan u galayaa qaybta Halyayga”
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
Haduu ruux maanta mudan yahay Amaan
Faroolaa masuul ahoo xilkii muujiyoo Magciisu galay Taariikhda
Mudanihii Madaxttoyadaa dhisoow mahad naga mudane
Madaxwaynihii qarnigoow magacaa ha jiro
Jubaland Gardaadshoow magacaa ha jiro
Masuul sare ayaad tahay e magacaa ha jiro.
Waxaa iyana goobta lagu soo dhaweeyay Hooyo in badan lasoo tacaashay inay Soomaalida Boston wax ka dhigto “Maryan Gaas” iyada oo ah Madaxa RIAC tasoo waxbadan ka caawisay bulshada inay lugohooda dib isugu taagaan kadib marka ay haayadeedu keento Maraykanka.
Maryan ayaa ugu Duceesay Odayadii inaga baxay wiigagii dhawaa Cabdirisaaq iyo Cabdicasiis in Illaahay Janada gaadhsiiyo, sidoo kale u sheegtay Madaxwayne Gaas inay uga fadhido inuu dalka ku maamulo Cadaalad, Sinaan si wax uga badalmaan xaalada jirta ee u diiday qurbo joogto dalka dib ugu soo noqdaan.
Maryan ayaa sheegtay in 70% reer Puntland dibada soo jiraan dadka waayeelka ah ee ay iyadu ku jirtana quud dareenayaan inay Cadceedaa Soomaaliya dib ugu soo noqdaan balse aysan dheceen hadii aan dalka la gaadsiin in dadku u codeeyaan madaxdooda oo aan hogaamiyo dhaqameedada laga sugin inay wax u doortaan.
Waxaa isna goobta lagu soo dhaweeyay Cali Faysal oo aad ugu mahad celiyay Maamulkii hore ee Puntland siiba madaxwayne Faroole, waxa uu dadka u sheegay in dalka dib loogu noqdo loona maal gashado isaga oo reer Puntland ku canaantay inay ka gaabiyeen maalgashiga wadanka. ugu danbay waxa uu dadka u sheegay in saaxiibkii Madaxwayne Cabdiwali Gaas inuu ka jibo keeni doono dhamaan balanqaadadii uu dadka u sheegay isaga oo sheegay in Puntland aysan ahayn Dawlad Goboleed ee ay Tahay Dawlad balse waa Dawlad Dawlada Soomaaliya Hoos timaada.
Waxaa goobta xaflada loo fagareeyay Sahro Cabdulaahi Warfaa oo si wayn ugu mahad celisay gabdhaha reer Main iyo reer Boston waxaa kale oo ay amaantay isbadalka Taariikhiga ah ee ka dhacday Puntland. Sahro waxay goobta ka tirisay Gabay isku fuuqsaday dhamaan suugaantii goobta laga tiriyay kasoo abaaray sababta xaflada loo qabtay ee ahayd in loogu mahad celinayay Madaxda maamulkii hore laguna soo dhaweenayay madaxda maamulka cusub ee Puntland.
Iyada oo hadalkeediina ku tidhi tix gabay ah oo erayada ay kamid ahaayeen….
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
Ceegaag.com
Boston
Figradihiina