Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wasiirka Warfaafinta, Hidaha iyo Dhaqanka Puntland Cabdiwali Xirse Cabdulle Indha-Guran ayaa ururka Suxufiyiinta Puntland ku wargaliyey in Madaxwaynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas in uu Amar ku bixiyey in la soo xiro Wariye Jamac Deperani lagana joojiyo inuu Puntland Wariye ka sii ahaado.
Wasiir Indha Guran, ayaa sheegay in Madaxwaynuhu dhibsaday Wararka uu ku qoray suxufiga barta Facebook-ga, wada hadal dhexmaray Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP iyo wasiirka wasaarada warfaafinta ayaa lagu eegay qoraalada iyo waxyaabaha Deperani Facebook ku qoray, waxaa ay isla garteen in aysan ahayn warar xanaf leh waxaana wasiir Indho-guran uu sheegay in uu Madaxwaynahu dib ugu laaban doono si uu uga la hadlo arintaasi.
Halkan ka aqriso qoraalkii sababay in la xiro wariye Jaamac Deparani.
Xigasho: Somali National
Figradihiina