Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Warmurtiyeed ku aadan Heshis ay wada gaareen Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland

Wafdi ka socda Dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa waxay soo saareen kulamo dhowr ah oo ay yeesheen Warmurtiyeed lagu qeexayo waxyaabihii ay ku heshiyeen, wuxuuna u Qornaa Warmurtiyeedkaasi sidan:

  1. Fulinta iyo hirgalinta heshiisyadii horey loo galay

Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda goboleedka Puntland waxay isku afgarteen dardar-galinta dhammaan heshiisyadii ay horay u gaareen labada dhinac , oo uu ugu danbeeyay heshiiskii ay wada galeen labada dhinac 14kii October ee sanadkii 2014. Si arrintaasi loo gaaro waxaa la magacaabay guddi isku-dhaf ah oo ka shaqeeya hirgelinta heshiisyadaas,waxaana la soo dhoweeyey wixii ka qabsoomay heshiisyadii la galay.

  1. Shuruucda ay DFS soo saarto iyo samaynta guddiyadda heer qaran 

Waxaa la isku raacay in dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya lagala tashado xeerarka uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo dhismaha guddiyada madaxa bannaan ee heer qaran, sida uu qabo Dastuurka Federaalka, Qodobkiisa 111aad, Farqaddiisa 2aad.

  1. Dhismaha dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya
  • Dhismaha dawladaha xubnaha ka noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaa loo marayaa si waafaqsan Dastuurka Federaalka Soomaaliya.
  1. U diyaar garowga iyo qabashada madasha wadatashiga madaxda sare ee DFS iyo dawladaha xubnaha ka ah.
  • Sidii lagu heshiiyey shir-madaxeedkii ka dhacay Muqdisho 6dii Febraayo 2015, waxaa lagu qaban doona kulanka madasha wadatashiga madaxda sare magaalada Garoowe bisha Abriil 2015, waxaana la isla gartay in guddiyadii farsamo ee horey la iskugu waafaqay ay soo dhamaystiraan taabbagalinta hawlaha madasha heer qaran.
  1. Dhismaha ciidan qaran oo ummadda u dhexeeya
  • Si loo dhiso ciidan qaran oo  leh sumad qaran waxaa laysku afgartay in sadex kun (3000), oo askari loo qoondeeyey Dawladda Puntland.
  1. Doorka Puntland ee Wadahadalada Dawladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland
  • Waxaa lasoo dhaweeyay sida Dawladda Soomaaliya ay u maamulayso wadahadalka lagula jiro Somaliland iyo mowqifka ay iska taagtay wadahadaladii ugu danbeeyey.

7.Is-kaashiga hay’adaha dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda goboleedka Puntland.

  • Labada dhinac waxay ku heshiiyeen inay si toos ah iskaashi iyo wadashaqayn buuxda u yeeshaan wasaaradaha labada dhinac sida:
  • Arrimaha dastuurka
  • Qaybsiga deeqaha caalamka iyo waxbarashada
  • Iskaashiga  qorshaha qaranka
  • Siyaasadda Isgaadhsiinta qaranka.
  • Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply