Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasaaradda A. Gudaha oo sheegtay in dhowaan la dhisayo Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe

October 6 (Ceegaag)— Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhowaan la guda geli doono howlaha maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo horay loogu heshiiyay in maamul loo sameeyo.
Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Abtidoon Xalane ayaa sheegay in Wasaaraddu ay dar dar gelin doonto howlaha maamul u sameynta labada gobol, isla markaana dhowaan la dhameystiri doono Guddigii farsamada.
“Howsha maamul dhisidda waxaa qaban doona guddi farsamo oo madax bannaan oo ka imaanaya dad deggan labada gobol, hadda waxaa la isku raacay tirada guddigan, waxa xiga waa in la magacaabo dadka guddigan ka mid noqonaya” ayuu yiri Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegya in howsha maamul u sameynta labada Gobol la geli doono marka ay dib dalka ugu soo laabtaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ku maqan magaalada New York..
“Howsha Wasaaradda u xilsaaran ayaa ah dhameystirka maamulada, Xukuumaddana waajib ayaa ka saaran sidii loo sameyn lahaa, howsha Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe waxaa la guda galayaa marka ay yimaadaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo hada ku maqan New York”ayuu yiri Agaasime Cali Abtidoon Xalane.
Bishii Agosto ayay aheyd markii magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiiska maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana hakad ku yimid qorshihii Wasaaradda ugu tala gashay howlaha maamul u sameynta labada gobol, kadib markii ay saameyn ku yeesheen mooshinkii laga keenay Madaxweynaha iyo arrimo kale oo ay ugu weyneyd qeybsiga xubnaha Guddiga farsamada oo la isku khilaafay, halka lagu marti gelinayo shirka oo ay u wada birtumanayaan Jowhar iyo Beledweyn.
Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply