Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasaaradda Caafimaadka oo dibada u qaadeysa dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadi MUqdisho iyo Baydhabo

Maarso 1 (Ceegaag)— Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wado dadaalo dibada loogu qaadayo dadka aan waxba looga qaban karin dalka ee ku dhaawacmay qaraxyadii todobaadkan ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Baydhabo.
Wasiirka Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed oo shalay gaartay magaalada Baydhabo, halkaasoo ay ku booqatay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Axadii oo ku jira Isbitaalka guud ee magaaladaas.
“Dadaalo dibada loogu qaadayo dadkii dhibaatada soo gaartay ayaa wadnaa, gaar ahaan kuwii ku dhaawacmay Muqdisho iyo Baydhabo, waxaa codsi u dirnay dowladda Turkiga, howshaasna waa wadnaa, meel fiican ayay inoo mareysaa”ayay tiri Wasiirka Caafimaadka.
Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Baydhabo ayaa shalay loo soo qaaday magaalada Muqdisho, kadib markii wax looga qaban waayay Isbitaalka Baydhabo.
In ka badan 30 ruux ayaa ku geeriyootay, halka lix kalena ku dhaawacmeen qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee Axadii ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo.
Maalmahaan ayaa waxaa qaraxyo isdaba joog ah ay ka dhaceen muqdisho iyo baydhaba intabadan qaraxyadan ayaa waxay umuuqdeen kuwo ka culus kuwii horay ugu dhici jiray magaalooyinkan.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply