Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
July-14, 2015 (Ceegaag) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay boorka ka jaftay ciidamadeeda ammaanka, iyadoona soo bandhigtay qorsheyaal cusub oo ay wax uga qabaneyso nabadgelyo xumida maalmahaan ku soo korortay Muqdisho.
Wasiirka amniga Dowladda Federaalka C/risaaq Cumar Maxamed ayaa jeediyay khudbadii ugu adkeyd tan iyo markii xilkaasi loo magacaabay, isagoona sheegay inaan loo dulqaadan doonin askar aan lahayn aqlaaq wanaagsan oo sidii mooryaanta ula dhaqmaya dadka rayidka ah.
Wasiir C/Risaaq ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada Booliska iyo kuwa nabad sugidda ay la yimaadaan firfircooni iyo inay si wanaagsan ula dhaqmaan dadka rayidka ah, isagoona sheegay in askarigii ka hor yimaada amarkiisana uu muteysanayo cawaaqib aanu carabaabin waxa uu yahay.
“Haddii ay dhici jirtay inaad dadka qoryo ku qabataan waa in la joojiyo” ayuu yiri Wasiirka amniga oo sheegay in isbedel weyn lagu sameynayo nidaamyada lagu xoojinayo amniga iyo kala dambeynta magaalada Muqdisho.
Wasiirku ma sheegin isbedellada cusub ee lagu sameynayo howlgalada, isagoo hadalkaasi ka sheegay xilli uu khudbad u jeedinayay boqolaal ka tirsan ciidamada Booliska iyo kuwa nabad sugidda munaasabad lagu dallacsiinayay Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Jan. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
Ceegaag- muqdisho
Figradihiina