Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Dr. Maxamed Cali Ibraahim oo wasiirka daryeelka naafada iyo dhaqan celinta kasoo noqday dowladdii Kumeel gaarka ee Soomaaliya ayaa soo jeediyay in shirka maamul u sameynta gobalada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe lagu qabto magaalada Buula Burde ee gobalka Hiiraan.
Dr. Maxamed ayaa sheegay in magaalada Buula Burde ay tahay mid u dhexeysa labada gobal ee Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe, sidaas darteedna ay iyadu ku haboontahay inay noqoto madasha shirka maamul u sameynta gobaladaas.
Wasiirkii hore ee daryeelka naafada iyo dhaqan celinta Soomaaliya ayaa wuxuu ku baaqay in la dhiirigaliyo dhismaha maamul gobaleedyada lagana hortago wax kasta oo faragalin ama carqaladeyn ku noqonaya howlahaas.
Hadalka Dr. Maxamed Cali Ibraahim ayaa imaanaya iyadoo siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobalada Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan ay muddooyinkii dambe wadeen dhaqdhaqaaqyo loogu gogol xaarayo dhismaha maamul ay labadaas gobal ku mideysan yihiin, inkasta oo arrintaas aan wali laysla meel dhigin.
c/naasir yuusuf
ceegaag – muqdisho
Figradihiina