Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
December 20 (Ceegaag)— Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Soomaaliya C/llaahi Colaad Rooble ayaa sheegay in hey’adaha ammaanka dowladda ay gacanta ku hayana ninkii ka dambeeyay dilkii Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo ka tirsaneyd Warbaahinta dowladda.
Wasiirka ayaa sheegay in ninkaas ay rumeysan yihiin inuu ahaa qidadii ka dambeysay dilkaas, isla markaana uu bixiyay macluumaad, waxaana uu tilmaamay in maalmaha soo socda la soo bandhigi doono.
Mr Colaad ayaan sheegin magaca ninkan, hase ahaatee waxaa uu xusay inay rajeynayaan in dhowaan shacabka loo soo bandhigo.
3-dii bishan ayay aheyd markii Hindiya Xaaji gaarigeeda loogu xiray waxyaabaha qarxa, waxaana ay u geeriyootay dhaawac ka so gaaray qarax ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4, markii ay ka soo baxday mid ka mid ah Jaamacadaha.
Allaha u naxariistee marxuumad Wariye Hindiya ayaa ifka kaga tagtay 5 caruur, waxaana labo ka mid ah u dhashay Wariye marxuum Liibaan Cali Nuur oo isna u shaqeynayay Warbaahinta dowladda, kaasoo la dilay sanadkii 2012.
Ceegaag.com
Figradihiina