Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

SAWIRRO: Wasiirada Maamulka KMG ee Jubba oo Direeskii Ciidamada Xidhay, ( Maxay Tahay Sabbabtu?)

Magaalada kismaayo ee xarunta maamulka KMG ah ee jubba ayaa maalmahii udanbeeyey waxaa ka dhacay dilal arxandaro ah, oo ay geesanayeen kooxda Al-shabaab.

Kulan balaaran oo looga arinsanaayey amaanka guud ee gobolka ayaa waxaa hoosta laga xariiqay dagaal ka dhan xarakada Alshabaa, madaxweyne ku xigeenka 1aad ee maamulka KMG ah ee jubba mudane: Cabdulaahi sheikh cismaaciil (Fartaag) ayaa amar ku bixiyey dhamaan in wasiiridda xertan Tuutaha ciidamada ee maamulka jubba una diyaar garoobaan dagaal.

Mar aan xafiiskiisa kula kulmay wasiirka maaliyadda  ee maamulka KMG ee jubba mudane: maxamed yussuf cumar (Abuu-yussuf) oo muda badan ka mid ahaa sarakiishii  la soo dagaalamay Alshabaab, kana soo qaybqaatay xorenta qaarka mid ah gobolada jubooyinka, mar uu arin kaasi hadlaayey ayaa waxa uu yiri’ ‘ waxaa naga go,an in aan cirib tirno haraaga kooxda nabad diiidka ah oo kuudhuumaalaysanaya deegana kooban, kuna talagalay in ay baabi,iiyaan dadka birimageedyada ah ama bulshada dhexdeeda sumcad u leh’.

wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku daray  ‘ dhamaan dadka soomaaliyeed meel walba ay joogaan waxaa laga rabaa in ay ka foojignaadaan fikirka khaldan ee Al Shabaab ayagana ay gacan bir ah iskaga qabtaan oo aysan qarinn’ ayuu yiri wasaiirka maaliyada ee maamulka jubba Abuu yuusuf.

Sikastba, hadalka waasiirka ayaa ku soo aadayaa xilya ay wasiirada dhamaantoo lagu amray in ay xirtaa dareeska ciidamada, ayadoo magalada kismaayo isbuuc guduhiis lagu dilay labo nin oo bulshada reer kismaayo wax ku ool u ah.

DAAWO SAWIRRADA:

Ceegaag Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply