Wasiirka amniga ee Maamulka Khaatumo Maxamed Ducaale oo ka hadlay Dagaalka Xudun
Wararka naga soo gaadhay Degmada Xudun ee Gobolka Sool ayaa ku soo waramaya in Dagaal Xoogan uu halkaasi ku Dhexmaray Ciidamo ka kala socda Dhinacyada Somaliland iyo Dhinaca Maamulka Khaatumo dagaalkaasi oo ahaa Mid Qaatay saacado farabadan oo khasaaro soo gaadhsiiyey Labada Dhinac ee Halkaasi ku dagaalamay galabta.
Wasiirka amniga ee Maamulka Khaatumo Maxamed Ducaale oo ka hadlay Dagaalka Xudun
Wasiirka Amniga ee Maamulka khaatumo oo Ceegaag.com Caawa la hadlay ayaana Dhinacooda sheegat inay dagaalkaasi Guulo ka gaadheen halka Warar Madaxbaan oo Ceegaag heshna ay sheegayaa in ugu yaraan 3 askari oo katirsan Kuwa Khaatumo dagaalkaasi ay ku dhinteen Dhaawac kale uu soo gaadhay, Halka Somaliland Ciidamadoodana laga Gubay gaadhi dagaal askar kale dagaalkaasi looga Dilay Galabta.
Warar Is Khilaafsan ayaan dagaalkaasi ilaa galabta iyo Caawa ka soo Baxaya Balse Waxaanu Idiinku soo Gudbinaynaa Wararkeena danbe Waxaanu Sidoo kale Raali gali ka Bixinaynaa Waraysiga Wasiirka oo Go,ay sababo dhinaca Isgaadhsiita deegaanka uu dagaaladu galabta ka dhaceen awgeed.
CaliDhagjar
Buuhoodle
Figradihiina