Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya Axmed Cawad ayaa soo gaadhay magaalada New York ee xarunta golaha amaanka, waftigan ayaa waxaa kamid ahaa xubno sarsare oo ka tirsan golaha wasiirada, masuuliyiin ka tirsan shaqaalaha Madaxtooyada, Wasaarada arimaha dibada iyo wakiilada Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Wadamada Iskaashiga dalalaka Islaamka.
Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi oo la kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed eek u dhaqan wadankan Maraykanka oo iyagu isaga kala yimid gobolada Maraykanka kuwaa soo kasoo qayb galay kulan uu madaxwaynaha Turkigu la yeelanayay Jaaliyada Turkiga iyo Muslimiinta ku dhaqan Maraykanka ayaa uga war bixiyay masuuliyiintii matalayay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee wadankan Maraykanka xalada Safaarada ee Midowga Yurub, shaqooyinkii uu ku soo guryo celiyay dhalinyaro badan oo ku bahdilnaa wadmada qaarkood siiba Liibiya.
Dhinaca kale wakiilka wadamada Islaamka u fadhiya Soomaaliya Sayid Maxamuud Shire ayaa isna la kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee isugu yimid magaalada New York si ay ugu mahad celiyaan wadanka Turkiga iyo Madaxwaynihiisa tageerada aan kala go’ayn ee uu lagarab taagan yahay umada Soomaaliyeed.
Waxaa isna la kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee u timid inay soo dhaween madaxwaynahooda ka baaqday Shirka iyo madaxwaynaha Turkiga Rajib Dayyib Ordogan. Safiirka qaramada midoobay ee Soomaaliya Cabdulqaadir Daahir Cusmaan. Waxaa isna la kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee isugu timid New York Safiirka Wareega ee Soomaaliya Cadirashiid Seed.
Madaxwayne Ordugan ayaa isaga ku tuntuusaday masuulaiyada ka saran dawladiisa inay gacan qabato walaalohooda Soomaaliyeed sidoo kalena ka faa’iidaystaan khayraadka Soomaaliya Soomaalidana uga Faa’ideeyaan.
Eng. Xuseen Fiin
New York
Figradihiina