Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiirka Arimaha Dibadda Somalia oo lakulmay Madaxweynaha Hay’adda TIKA (DAAWO SAWIRRADA)

Wasiirka arrimaha dibadda Somalia, C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa xalay kulan gaar ah kula qaatay magaalada Istanbuul ee dalka Turkey madaxa hay’adda TIKA, Dr. Serdar ÇAM oo iyagoo kaga hadlay kulankooda howlaha horumarinta ah ee hay’addan ay kawaddo dalka Soomaaliya iyo qaabkii loo dardar-gelin lahaa.

Mudane Bayle ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada kala duwan ee ay u fidisay Soomaaliya, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed aysan illoobi doonin marna taageerada walaalnimo ee ay ka heleen walaalahooda Turkiga.

Serdar ÇAM oo dhankiisa hadlay ayaa xusay in hay’adda TIKA oo kaashanaysa hay’adda barnaamijyada horumarinta Turkiga ay ka hirgelin doonto Soomaaliya mashaariic wax ku ool u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Hay’adda TIKA ayaa ka mid ah hay’adaha Turkiga ee ka howlgala Soomaaliya, iyagoo tan iyo sannadkii 2011 oo Turkigu uu billaabay inay howlo samafal ah ka billaabaan dalka oo ay xilligaas ka jiray macluul aad u daran.

Dhanka kale, C/raxmaan Ducaale ayaa maanta kaga qayb-galayaa Istanbuul shir caalami ah oo looga hadlayo horumarinta iyo caqabadaha jira, kaasoo qayb ka mid ah uu wasiirku shir-guddoomin doono, waxaana lagu casuumay wasiirro iyo madax ka socota calaamka sida hay’adaha Qaramada Midoobey, dublomaasiyiin iyo wakiillo.

Wasiirka arrimaha dibaddad Soomaaliya wuxuu shirkaas kusoo bandhigi doonaa fursadaha maal-gashi ee ka bannaan Soomaaliya iyo baahida dowladdu u qabto mashaariic horumarin oo dhinacyo badan leh.

Mr. Ducaale iyo wafdi uu horkacayo ayaa ayaa shalay gellinkii dambe gaaray magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga  isagoo ka yimid magaalada Oslo ee dalka Norwey halkaasoo uu kulammo kula soo yeeshay wasiirro ka tirsan Norwey iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool, isagoo ku boorriyay inay u howl-galaan sidii ay kaga qaybqaadan lahaayeen dib u dhiska dalka, horumarinta iyo maal-gashigiisa.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa xoojisay siyaasadeeda dibadda, si indhaha caalamka ay ugu soo jiheyso isbedellada ammaan ee dalka ka jira iyo hiigsiga la naawilayo, taasoo keentay in dalalka caalamka ay dib u howlgeliyaan safaaradihii ay ku lahaayeen Muqdisho.

DAAWO SAWIRRADA:




 

Ceegaag Online

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply