Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Sam ongeri Wasiirka arimaha Dibada Dowlada Kenya oo Shir Jaraaid ku qabtay Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa waxaa uu ka hadlay Qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Hotel Jaziira ee Magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxaasi lagu doonayay in lagu qaarijiyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaali Prof Xasan Sheekh Maxamuud .
Wasiirka arrimaha Dibadda Kenya ayaa sheegay inuu Aaminsanyahay in Qaraxyadaas aysan ka dambeyn Al-Shabaab ee uu ka dhashay loolan Dhanka awooda ah oo Musharixiinta qaar ka dhexeeyay isagoo si gaar ah u sheegay in Madxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed .
“Waxaa ila soo xiriiray Shariif Sheekh Axmed Madaxeynihii hore waxaa uu ila hadlayay Mudo 1.30 halsaac iyo bar ah intii uu socday ololaha Musharixiinta oo aan la gaarin Xiligii Doorashada, waxa uu igala hadlayay sidii ay dowlada Kenya ugu Taageeri lahayd in uu mar kale Xilka ku soo laabto laakiin aniga waxaan u sheegay in aysan Kenya Taageero siineyn Musharax gaar ah, kadibna ma wanaagsaneyn Xiriirka Madaxweyne Shariif iyo Madaxda kenya, waxaanse la yaabay Maalintii Qaraxu dhacay Markii aan arkay Shariif Axmed oo taagan Hotelka uu qaraxu ka dhacay isagoo aan naxsaneyn oo aanba u haysan in Wax dhaceen, sidaas darted waxaan dhihi karaa Shariifka ayaa ku lug lahaa Qaraxyada” ayuu yiri sam ongeri wasiirka arimaha Dibada Kenya
Sam ongeri ayaa waxaa uu Maalinka uu qaraxu dhacayay ku sugnaa Hotelka Al-jasiira ee ay qaraxyada ismiidaaminta ahi ka dhaceen, isagoo kulan kula jiray Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaalia.
Dhinaca kale qaraxyadaasi ayaa horay waxaa u sheegtay Kooxda Al-Shabaab, hase yeeshee waxaa lala yaaban yahay in Dowladda Kenya ay eede qaraxyadaasi dusha u saarto Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, inkastoo uu Shariifku weli ka hadlin eedeynta Dowladda Kenya, waxaa kale oo la yaabka leh hadii uu shariif ka danbeen lahaa qaraxaasi, maxuu uga waday hotelka uu u kaxeeyey hoyga uu ka dagan yahay xarunta Villa Somalia.
Figradihiina