Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Maxamed Xaaji Ibraahin ayaa khudbad ka jeediyey shirka boostada iyo isgaarsiinta dalalka Carabta kaasi oo lagu qabtay isutaga Imaaraadka Carabta.
Mudane Dr Maxamed Xaaji Ibraahin Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa khudbaddiisa uga hadlay dib u howlgelinta Boostada Dalkeenna iyo qorshaha ay Wasaaraddu u dejisay sida ay wadashaqeyn ula yeelaneyso dalalka caalamka waxaana uu xusay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashi ay la sameyso dowladaha carbeed mudo 23kadib oo lagu guuleystay iney hada shaqeyso Boostada Soomaaliya.
Shirkaasi kadib ayaa Wasiirka iyo wafdi uu hogaaminayo waxa ay u ambabaxeen dalka Spain halkaasi oo uu kaga qeybgalayo shirka Isgaarsiinta caalamka kaasi oo ka furmi doona dhowaan magaalada Barcelona ee dalka Spain ayadoo shirkaasina ay kasoo qeybgaleen intabadan Wasiirrada Isgaarsiinta dalalka Caalamka waxaana Wasiirku uu shirkaasi ka hor kulammo gaar gaar ah dalka Spain kula qaatay wasiirrada Isgaarsiinta dalalka Soomaaliya deriska la ah.
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xaaji Ibraahin ayaa wareysi uu siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya isaga oo ku sugan magaalada Barcelona ayaa tilmaamay in dhammaanba wasiirrada uu la kulmay ay ka wada hadleen iskaashiga ay Wasaaraddu la sameyneyso dowladaha gobolka iyo kuwa caalamka,sidoo kalena waxa uu xusay inuu u bandhigay qorshaha Wasaaradda ee ku saabsan hormarinta Isgaarsiinta Soomaaliya.
Ugu dambeyn Dr Maxamed Xaaji Ibraahin Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa rajo ka muujiyey in shirka ka furmaya magaalada Barcelona ee dalka Spain iyo kulammada gaar gaarka ah ee la yeelanayo Wasiirrada ka socda dalalka caalamka ee shirkaasi ka qeybgalaya ay kasoo baxaan natiijo kaalin ka qaadan karta qorshaha wasaaradda ee la xiriira hormarinta Boostada iyo Isgaarsiinta Dalkeenna
Ceegaag.com
Figradihiina