Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiirka C/raxman Odawaa”Wal wal kama qaba xil ka qaadis la iigu sameeyo”

November 21(Ceegaag)–Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federalka Xukuumadda Somaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” oo Wareysi siiyay Telifishinka Somali Channel ayaa sheegay inuusan wax walaac ah ka qabin, hadii isbedel lagu sameeyo Golaha Wasiirada Xukuumadda Federalka Somaliya,oo maalmahaan magaalada ay ka jirtay in isku shaandheyn lagu samenayo Golaha Wasiiradda Somaliya.
“Niyoow aniga dadka aad u wal-walo ma ihi waxaan aaminsanahay inaan wadankaan shaqo u haayo oon dadaalayo subaxii xilka la iga qaadana, awalna shalay waan shaqeynaayay, berina ma weynaayo shaqo aan qabto marka wal-walkaasi aad uma qabo.” Ayuu yiri Wasiir Odawaa.
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya oo hadalka sii wata ayaa la weydiiyay su’aal ku saabsan sida uu ku helay xubinimada Baarlamaanka Somaliya oo 9-kii Bishan loo dhaariyay, Booskii uu ka geeriyooday Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon oo lagu dilay weerarkii Hotel Saxafi Shabaab ay ku qaadeen.
“Xildhibaanka waa la ii gartay Xildhibaanka dabcan kursigaas aad sheegtay isku meel ayaan ka soo jeednay, gacan ka xaqdaran ayaa dishay saad ka warhayso, baahida loo qabo in taageero aad ku yeelato, waxbaa soo doortay hada weli ma aynaan gaarin in deegaan la iska soo doorto waa sida aan jeclaan lahaa meeshaan ku dhashay hadaan codka ka soo geli karo, laakiin hada waxaa waaye cidaada ha ku soo magacawdo.” Ayuu yiri Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya.
C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa lagu tiriyaa in uu aad ugu dhowyahay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud,waxaana muuqata in uusan qabin dareen ku aadan in uu xilka Waayo.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply