Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wasiirka gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa Xero ay ku tababartaan ciidamada Biritan ka sheegay in uu hakad ku yimid dagaalkii ay kula jiraan Al Shabaab taasi oo u sababeeyay dowladda oo aan haysan hub ku filan oo ay ku dagaal gasho.
Mr Fiqi ayaa xusay in tan iyo markii cunaqabteynta laga qaaday dowladda aysan soo iibsan wax hub ah waayo waxa uu sheegay in aysan haysan dhaqaalo ay hub kusoo iibsadaan balse waxa uu sheegay in ay rajeynayaan inay caawinaad ka helaan dowladaha Caalamka.
Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in ay qorsheynayaan marka ugu horeysa oo ay helaan hub inay weeraro ku qaadaan Meeleeshiyada Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay kuwaasi oo xusay in hada ay hoos u dhacday awoodooda.
Somaliya ayaa cunaqabteynta laga qaaday si ay usoo afjarto dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
C/casiis Garyaqaan
Figradihiina