Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
October 5 (Ceegaag)— Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu booqasho ku tegey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Mareeye” oo maalmahaan safara shaqo ugu maqnaa dalka Kenya , isla markana maanta dib ugu soo laabatay dalka ayaa markii uu kasoo dagay gagida diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde waxaa ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah agaasimeyaasha waaxyaha ee Wasaaradda Wafaarinta iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa ka hadlay xariga loo geystey saxafiyiinta taleefishinka Universal magaalada Muqdisho.
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka hadlayay xariga Agaasimaha taleefishinka Universal Bariga Afrika Cabdulaahi Xirsi Kulmiye iyo barnaamij soo saare Cawil Daahir Salaad in falka lagu xiray uu dhacay isaga oo dalka ka maqan, isla markaana xogwareysi uu la yeelan doono hay’adaha amniga iyo madaxda Wasaaradda, isla markaana uu xooga saari doono sidii ay ku heli lahaayeen xuquuqdooda dastuuriga ah.
Sidoo kale wasiirka ayaa ka hadlay booqashadii uu ku tegey dalka Kenya waxana uu sheegay in mas’uuliyiinta iyo hay’adaha uu la kulmay ay isku afgarteen waxyaabo badan oo ay ka mid tahay inay xoojiyaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya.
“Sii xoojinta xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya iyo hay’adaha aan la kulmay ayaan kaga wada hadalnay, waxaana si gaar ah isku afgaranay horumarinta warbaahinta dalka ayuu yiri wasiirka Warfaafinta,
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina