Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga ee Xukuumaddii Nuur Cadde oo lagu dilay qarax

Febraayo 15 (Ceegaag)— Muxiyaddiin Xasan Xaaji oo horay xilal kala duwan u soo qabtay ayaa goor dhow ku geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa, xilli uu marayay agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.
Allaha u naxariistee Muxiyaddiin Maxamed Xaaji ayaa horay u soo noqday Wasiirkii Gaashaandhigga Xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Nuur Cadde.
C/qaadir Barnaamij oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Kulan oo ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa u sheegay Jowhar.com in Muxiyaddiin Maxamed Xaaji uu haatan ahaa Guddoomiyihii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulan.
Wararka ayaa intaa ku daraya in gaari yar oo kuwa raaxada oo uu watay qarax loogu xiray, kadibna uu qaraxaas ku dhintay.
Ruux kale oo Gaariga la saarnaa ayaa la sheegay inuu isna ku dhaawacmay, waxaana goor dambe gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska, kuwaasoo baaritaan wada.

Qaraxyada lagu xiro gaadiidka ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanayay magaalada Muqdisho, waxaana horay loogu dilay dad kala duwan oo isugu jiray, saraakiil, xildhibaano, Wariyeyaal iyo dad kale.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply