Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Waxaa maalintii seddexaad Xaruunta Villa-Hargeysa ka soconaya kulammo howleedyo ay guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka qaarkood su’aalo ku weydiinayaan Wasiirrada Xukuumadda iyadoo maantana loo yeeray siddeed Wasiir si wax looga weydiiyo qorshe howleedka Wasaarradaha ay maamulaan.
Guddoomiyaha Barlamanka Dowladda Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shir guddoomiyey kulan guddi hoosaasyada barlamaanku su’aalo ku weydiiyeen Maxamed Xasan Aadan oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha; Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Saciid Xuseen Ciid oo uu wehliyey Wasiir ku xigeenkiisa.
Waxaa sidoo kale maanta su’aalo la weydiiyey Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Maxamed Mukhtaar Ibraahin iyo Wasiirka Wasaarradda Dastuurka Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.
Afhayeenka Baarlamaanka ayaa sheegay inay muhiimad weyn ku fadhiyaan la xisaabtan xukuumadda si loo qiimeeyo waxqabadka wasaarad walba, maadaama barlamanka arrintaas mas’uuliyadi ka saaran tahay.
Ceegaag.com
Figradihiina