Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiiru dowlaha Maaliyadda oo ka hadlay mushaar dhimis lagu sameynayo Madaxda iyo shaqaalaha dowladda

July 21 (Ceegaag)—- Wasiiru dowlaha Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Maxamed Nuur ayaa ka warbixiyay qaabka loo dhimayo mushaaraadka madaxda iyo shaqaalaha dowladda, kadib markii Golaha Wasiirada ay ka doodeen qorshaha dib u eegista miisaaniyadda sanadka 2015.
Mr C/llaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in mudadii lixdii bilood ee la soo dhaafay lacagihii Beesha Caalamka laga filayay aan la helin, sidaas darteed ay dowladda Soomaaliya go’aan ku gaartay inay isku filneysiiso dakhliga ka soo gala gudaha dalka.
“Sharciga Maaliyadda dalka sida uu qabo waxaa lix bilood kasta dib u eegis lagu sameynayaa dhaqaalaha iyo miisaaniyada dalka, kadibna waa la is waafajiyaa hadba sida ay wax yihiin, waxaa dhowaan horgeynay Golaha Wasiirada hindise wax looga bedelayo miisaaniyada dalka”ayuu yiri Wasiiru dowlaha Maaliyadda.
Isagoo sii hadlayay Wasiiru dowlaha ayaa yiri “Shaqaalaha dowladda lixdii bilood ee lasoo dhaafay waxay qaateen 30% mushaarkii u qornaa, lixda bil ee soo socota waxay qaadan doonaan 75% Mushaarka u qoran, boqolkiiba 25% ayaana laga jarayaa”
Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in mushaaraad dhimista aanay ku jirin ciidamada dowladda, isagoo tilmaamay in madaxdadowladdaiyo shaqaalaha kaliya laga dhimayo mushaaraadka.
“Ciidamada dowladda kuma jiraan, kuwa mushaarka laga dhimayo, waxaa mushaaraadkooda laga dhimayaa Madaxdad dowladda, Wasiirada, Xildhibaanada, shaqaalaha dowladda”ayuu mar kale yiri Wasiiru dowlaha Maaliyada C/llaahi Maxamed Nuur oo la hadlayay Radio Muqdisho.
Mar uu ka hadlay habka ay u dhaceyso mushaar dhimista ayuu xusay in habka boqoleyda, isla markaana xafiisyada madaxda sare ee dowladda ay ugu horeeyaan, sida Madaxtooyada, Xafiiska Madaxweynaha iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
“Qaabka mushaar dhimista u dhaceyso waa habka boqoleyda, xafiisyada Madaxda sare ee dalka oo dhan waa saameyneysaa mushaar dhimiska, ammaan waxaa lagu saleeyey in si wada jir ah in sahaydii safarada iyo Qarashka ku baxa shaqada la qabanayo laga jaro 30% iyo in 18% laga jaro Mushaaraadkooda,” ayuu mar kale yiri wasiir u dowlaha Maaliyadda Somalia.
Wasiirka oo wax laga weydiiyay eedeymo ah inay jirto Wax is-dabamarin iyo hufnaan la’aan ayaa sheegey in Wasaaradda ay Xaqiijisay in Shilin kasta oo Canshuur ahaan ugu soo dhaca Qasnadda Dowladda Somalia uu gaaro halkii loogu talo-galay, isla markaasina Maamulka Maaliyadda Somalia uu yahay mid nadiif ka ah musuqmaasuq iyo wax is-dabamarin.
Shaqaalaha dowladda iyo Ciidamada ayaa wax mushaar ah qaadan muddo afar bilood ah, iyadoo dhamaadkii bishii Ramadaan la siiyay shaqaalaha dowladda mushaarka hal bil oo kaliya.

Ceegaag- muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply