Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Waxaa maanta lagu aasay maglada Kismaayo Sheekh Cali Axmed Ashkir(sawiro)

Waxaa manta airabotka magalda Kismaayo soo cagadhigatay diyarad sida Marxuum Sheekh Axmed Cali Ashikir  oo malintii Axada ahayd ku geeryooday Gobolka Ohio  dalka Marekanka.

Marxuumka oo horey uga dardaarmay in lagu duugo Magalda Kismanyo, Allahu ha u naxariistee Sheekha  waxaa garoonka diyaradaha meedkiisa ka soo qaday Eheladii la socotay, Qaar kamid ah madaxda maamulka, Culumaa’udiin, Ganacsato iyo qaarkamid ah shacabka reer Kismanyo.

Sidoo kale waxaa salaadii Janaazada lagula tukaday Masjidka weyn ee xamza.

Intaa kadib waxaa loo sooqaday Marxuumka Qabrigii lagu talagalay in lagu duugo, Markii la aasay kadib waxaa muxadara gaaban halkaa ka jeediyay Sheekh Axmed Dhicis.

Waxaa tariikhda sheekh Axmed Cali Ashkir halkaa ka sheegay Xuseen Sheekh Axmed Cali Ashikir oo ah wiilkiisii ugu weynaa  “ Aabahay waxa uu ku dhashay magaalda Baabuli oo ku taala dalka Ethiopia-aroma waxaa uu dhashay  1935, waxaa wax barashadiisii ka bilaabay Shilaabo halkaas ayuu mudo kuu sugnaa ilaa uu quraanka ka dhameyo, Waxaa uu soo aday Qalaafe asoo cilmi raadinaya waxana maclin  u ahaa Sheekh Ismaaciil Weyrax, sidoo kale waxa uu isla waqtigaa Baladweyne kula kulmay Sheekh Cali Suufi oo uu ka bartay Cilmul Xadiith,  Aabahay waxaa uu ifka uga tagay Awlaad dhan 115 Qof 15 kamid ah asaga ayaa dhalay inta kalana Awoow ayuu u yahay Afar xaas ayuuna guursaday, Aabahay waxaa halhays u ahayd ‘Umada Soomaaliyeed mid ha’idiin ahaato’” ayuu yiri Wilkiisa Xasan Axmed Cali Ashkir.

ceegaag.com

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag