Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Waxgaradka, siyaasiyiinta iyo Culu maa’udiinka beelaha Daarood oo kulan ballaadhan ku yeeshay Magaalada Edmonton.

Shir ay isugu yimaadeen bishan October 21-keedii 2012 waxgaradka beesha Daarood ee ku nool magaalada Edmonton iyo nawaaxigeeda ayaa lagu lafaguray xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee ka jira dalka Soomaaliya sida magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Dawlada Federaalka Jamhuuriyada Soomaaliya, arimaha maamul usameynta gobollada Jubooyinka iyo Gedo, nidaamka dastuurka Federaaliga ee dawladda Soomaaliya iyo sidii beesha Daarood uga midoobilahayd arrimahan kor ku xusan.

Ugu horrayn waxaa dhammaan dadwaynihii shirkaas ka qaybgalay hambalyo iyo taageero buuxda u direen Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dowladda Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ( Saacid). Waxaa dadkii shirkaas joogay codsi ahaan u soo jeedinayaan in dawladda JFS ee uu hogaamiyo madaxwayne Xasan sheikh Maxauud, raysalwasaaraha Cabdi Faarax shirdoon, iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ay ku taageeraan beelaha deggan gobolladaas maamul u samaynta dawlad-goboleedka Jubbaland. Waxaa kaloo beeshu ku adkaynaysaa madaxda dawladda in ay ku shaqeeyaan ku dhaqanka nidaamka federaaliga ah ee ku qeexan dastuurka JFS.

Sidoo kale waxaa dadwaynihii shirkaas ka qaybgalay ay taageero buuxda u soo jeediyeen samaynta dawlad-goboleedka Jubbaland oo hadda hirgalintiisu ka socoto magaalooyinka Nairobi iyo Kismaayo. Waxaa beesha Daarood ee kulankan yeelatay ugu baaqayaan in dhammaan dadka deggan gobolladan Jubbooyinka iyo Gedo in ay si buuxda ugu hawlgalaan fulinta maamul u samaynta Jubbaland. Haddii aannu nahay beesha Daarood ee ku nool gobolka Alberta, Canada waxaannu si buuxda u taageeraynaa dhismaha dawlad-goboleedka Jubbaland.

Ugu danbayn, waxaa beesha Daarood ee ku dhaqan gobolka Alberta ugu baaqayaan dhammaan beesha Daarood ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba in ay midoobaan lana jaanqaadaan wacyiga cusub ee uu galay dalka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa beeshu isku raacday in wixii khilaaf ah ee beesha ku kala yimi muddadii 21 sannadood ee dagaalkii sokeeye laga noqdo “xaladhalay” sababtoo ah midnimada beesha Daarood waxay saldhig u tahay midnimada iyo jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed.

Baaqan waxaa si wadajir ah u soo saaray waxgaradkii shirkaas ka qaybgalay oo kala ah:

1)     Ambasador, Maxamed Axmed Maxamuud

2)     G/Sare Maxamed Axmed Xirsi (Cawil)

3)     G/sare Cabdulqaadir Xaaji Xuseen

4)     G/Sare Axmed Shiikk (Axmed Hadi)

5)     G/Sare Axmed Maxamed Shiikh (Axmed Caato)

6)     G/Sare Cabdiwali Hiirad

7)     G/dhexe Axmed Cabdillaahi Yaasiin

8)     Caaqil Cismaan Cabdillaahi Gaabay

9)     Mahdi Cali-ayaan Cabdi

10) Shiikh Maxamed Nuur

11) Cawil Tarabi (cawil faranko)

12) Xaaji Cali Wadaad

13) Xasan Cabdillaahi Ducaale (xasan jabhad)

14)  Jibriil Cismaan Catoosh

15)  Cabdi sheikh

16)  Siidow Baaruud Abshir

17) Cumar Khaliif

18) Ibraahim Halab

19) Xasan sheikh xuseen

20) Maxamed Faarax Diiriye (cawil)

21) Maxamed Cabdi Bakayr

22) Cabdiraxmaan Mowliid

23) Abubakar Maxamuud Bishaar

24) Cali Aadan faarax

25) Cabdillaahi Nuur Cabdille

26) Maxamuud sheikh xasan

27) Cabdi ismaaciil maxamed

28)Caliibraahin cabdi

29) Rashiid Cabdillaahi Maxamed

30) Axmed Warsame Jaamac

31) Cabdi Maxamed warsame (Cabdidheere)

32) Abshir Cali Xaaji

33) Xasan sheikh Mursal

34) Jamaal x.Cali

35) Mukhtaar Maxamed

36) Cumar maxamed

37) Cabdi Ciise

38) Cabdi khaliif dhawre

39)  Maxamed Nuur Kooshin

40)  Calinuur

41) Axmed M. Murux

42)  Cabdiraxmaan Cabdi ciise

Wabillaahi Towfiiq.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag