Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Waxgardka ka shirsan maamul u smaynta Jubooyinka oo raysalwasaare Saacid ugu baaqay inuu ka fogaada hadalada lagu kala fogaynayo shacabka

Iyadoo Maalinimadii Shalay Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdi faarax Shirddoon uu ka hadlay Shirka Maamul u Sameynta Jubbooyinka iyo Gedo oo Magaalada kismaayo ka Furmay ayaa waxaa arrintaa ka jawaabay qaar ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka ee haatan ka qayb galaya Shirka Kismaayo ka Furmay.

Nabaddoon Cabdi Keeynaan Xirsi oo ka mid ah odoyaal Kulan gooni ah ku yeeshay Magaalada kismaayo ka gadaal Hadalka ka soo Yeeray Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa ay baaq u soo jeediyeen Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya. Xubnahan Odoyaasha ah ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ka Fogaado hadalada xanafta leh ee lagu sii kala fogeynayo Shacabka Soomaaliyeed iyadoona loogu baaqay inuu ka fogaado hurinta sidii shacabka loo kala gayn lahaa.

Nabaddoonka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay aqoonsan yihiin lana shaqeynayaan ra’iisulwasaare Shirddoon laakiin hadaladii ka soo yeeray ay ahaayeen kuwo aan wanaagsanayn isla markaana sii kala fogeynaya Umadda Soomaaliyeed.

Nabaddoonka ayaa sheegay in maamulka loo sameynayo Gobolada gedo iyo Jubbooyinka in ay ka mid yihiin Maamulada kale ee dalka ka dhisan isagoona hoosta ka xarriiqay isla markaana is weeydiiyay sababta Jubba land uun Isha gaarka ah loogu hayo.

Cabdi keeynaan ayaa sheegay in uu sii socon doono shirka Kismaayo uga bilowdey Xubnaha Maamul u Sameynta Goboladaas isla markaana ay ugu baaqayaan Dawladda Soomaaliya in ay ka soo qayb galaan shirka Doorkoodaana ay qaataan iyadoo maamulkaasina uu hoos tagayo dawladda Federaalka Soomaaliya lana mid yihiin maamulada kale ee dalka ka dhisan ama ka dhismi doono.

Hadalka Odoyaashan ayaa imaanaya xilli maalinimadii shalay War saxaafadeed uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Saacid uu ka biya diiday Shirka Kismaayo oo uu ku sheegay inuu yahay mid aan loo soo marin habkii Sharciga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inaysan aqoonasanayn maamul kasta oo Kismaayo lagu soo dhiso wax wada shaqayn ahina aysan la yeelanayn arrintan oo ka careysiisay Odoyaasha Dhaqanka ee Maalintii Shalay Kulanka ku yeeshay Magaalada Kismaayo jawaabtana ka soo jeediyay.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag