Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Weerarkii xalay lagu qaaday Xarunta Al-Shabaab oo Abuu Muscab ka hadlay

Maarso 09 (Ceegaag)-Taliska ciidanka Xarakada AlShabaab ayaa xaqiijiyey in xalay xoogaggoodu ay fashiliyeen weerar qorsheysan oo cutubyo ciidamo Shisheeye ah ay ku soo qaadeen degmada Aw-Dheegle oo ka mid ah degmooyinka ku hoos-jira gacanta Al-Shabaab.

Shaykh Cabdi Casiis Abuu Muscab afhayeenka hawl-gallada Al-Shabaab ayaa Idaacadd afkooda ku hadasha u sheegay in ciidamo hubeysan oo watay laba diyaaradood oo helicopter ah ay xaley soo weerareen degmada balse ay dib u noqdeen iyagoo khasaaray oo aan gaadhin hadafkii weerarkooda.
Sheekh Abuu Muscab ayaa sheegay in ciidamada weerarka soo qaaday ay diyaaradaha soo dhigteen meel banaanka magaalada ah, ka dibna ay ciidamo lug ah u soo direen magaalada kuwaas oo u soo dhawaaday saldhigga degmada, kadibna riday dhowr xabo oo Buleer ah.
Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in markii ay buleerka rideen ka dib, Ciidamadii mujaahidiinta ee joogay saldhiggu ayaa xabad ku bilaabeen, iyadoo halkaas uu ka dhacay dagaal xooggan oo ugu dambeyntii ciidamada shisheeye ku qasbay in uu isaga cararo goobta isagoo hoogay ayuu yidhi afhayeenku.
Ugu yaraan muddo 30 daqiiqo ah ayuu socday dagaalka sida Idaacadda Andalus kasoo xigatay taliskooda, iyadoo ugu dambeyntii ay ciidamdii shisheeye isaga carareen degmada ka dib markii mujaahidiintu ay heleen gurmad kale oo uga yimid magaalada, islamarkaana dagaalku uu sii xoogaystay.
Shaykh Abuu Muscab ayaa sidoo kale u sheegay Andalus in aan la ogeyn halka ay ka soo jeedaan ciidamada soo qaaday weerarka balse ay ku hadlayeen ayuu yidhi luuqad shisheeye. Wuxuu kaloo sheegay in saaka markii la tagay goobihii lagu dagaalamay lagu arkay dhiig iyo rasaas ay ka yaaceen ciidamada shisheeye.
Idaacadda Andalus ayaa sidoo kale saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo goobtaasi joogtay kasoo xigatay in ciidanka weerarka soo qaaday ay inta badan isticmaalayeen qoryaha M16-ka iyo bambooyin ka dhaca qoriga Jebshaha kuwaas oo rasaastooda, qasnadahooda iyo fooqyadooda lagu arkay meesha uu dagaalku ka dhacay, waxaana jira sidoo kale khasaare culus oo soo gaadhay ciidamada shisheeye marka loo eego bay tidhi dhiigga faraha badan ee lagu arkay halkaasi.
Taliska Al-Shabaab waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada mujaahidiinta ay ku jireen feejignaan iyo heegan sare, markii ay ciidamada Shisheeye soo galayeen magaalada, isla markaana taasi ay keentay in shisheeyaha uu ku hungoobo hadafkiisa.
Wuxuu sidoo kale taliska Al-Shabaab sheegay in Mujaahidiintooda uu ka shahiiday hal Mujaahid, mid kalena ka dhaawacmay intii lagu guda jiray iska caabinta weerarka.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply