Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Weerarkii Xeebta Liido iyo khasaaraha ka dhashay oo kordhay

Janaayo 23 (Ceegaag)— In ka badan 20-ruux ayaa ku geeriyootay weerar isugu jiray qaraxyo iyo toogasho oo xalay fiidkii ka dhacay maqaayada Liido Sea Food, halkaasoo goob lagu shaaho, dadweynahana ay u nasasho tagaan, waxaana weerarka uu ahaa mid ku bilowday rasaas ay dabley hubeysan la dhaceen dadkii banaanka xeebta fadhiyay ee ku shaahayay.
Dableyda hubeysan ayaa u suura gashay inay gudaha maqaayada u soo galeen, dabadeedna toogtaan dadkii rasaasta hore ka bad baaday iyo kuwii kale ee cararayay, waxaana gudaha ay ku sugnaayeen in ku dhow toban saacadood, waxaana markii dambe toogtay ciidamada gaarka u tababaran oo gudaha maqaayada soo galay, kadib saacado is rasaaseyn dhex mareysay.
Tirada dhaawaca ayaa kor u dhaafayay afartan ruux, kuwaasoo la kala geeyay goobaha caafimaadka, waxaana ku jira kuwa dhaawacooda uu liito.
Meydadka ayaa waxaa ka mid ahaa hooyo iyo wiil ay dhashay oo 7 jir ahaa, sidoo kal wiil kale oo afar jir ah ayaa ciidamada bad baadiyeen, inkastoo waalidiintiisa ay dhinteen
Wiil saddex jir ahaa ayaa la dhigay isbitaalka Madiina, kaasoo la sheegay in hooyadiisa ku dhimatay weerarkii Liido.
Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in kooxaha ka dambeeyay weerarka gebi ahaanba la toogtay, sidoo kalena la qabtay ninkii ka dambeeyay weerarka ee hagayay, kaasoo uu xusay inuu horay u maleegay weeraradii ka dhacay Hotelada Central iyo Maka Al-Mukarama.
Maqaayadda Liido ayaa waxaa isugu taga dadka qurabaha ka yimaada, dadka caadiga ah, dhalinyarada, dadka ka tirsan dowladda, inkastoo uu yaraa khasaaraha soo gaaray shaqsiyaadka ka tirsan dowladda, waxaana weerarkan sheegatay Al-Shabaab oo horay weeraro ceynkan oo kale ah ka geysatay Hotelo ku yaal magaalada Muqdisho.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply