Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Tan iyo markii lagu dhawaaqay in Puntland ay ka guureyso Awood Qeybsiga Beelaha oo ay u guureyso waxa lagu tilmaamay Dimuquraadiyad iyo Doorashooyinka Xisbiyada badan, ayaa waxaa soo baxayey arrimo badan oo ay shacabka su’aalo iska weydiinayaan sida ay marxaladaha ka jira deegaanada Puntland ula jaan qaadi karaan hanka ah in la gaaro Dimuquraadiyada la doonayo.
Qodobada ugu waaweyn oo aan maqaalkan uga hadli doono ayaa si toos ah u eegaya ama u taabanaya xaalada ka jirta dhulka Puntland ayadoo aan is weydiineyno bal in ay fursad u siin karaan Dimuquraadiyad ka curate deegaanadan iyo in kale.
Waxaanu si gaar ah u eegaynaa 6 marxaladood iyo 6 Go’aan dowladeed oo caqabado waaweyn ku ah shacabka Puntland inay xiligan helaan dimuquraadiyad.
Caqabadaha taagan ee u baahan in la xalio ayaa ah:
Marka laga yimaado marxaladahan hada ka jira Puntland ee aanu kor ku xusnay. Waxaa ayaguna jira Go’aano dhinac socda oo ay Dowlada qoraalo kasoo saartay iyo amar kuwaasi oo ayaguna lidi ku ah Dimuquraadiyada la sheegay in Puntland laga hirgelinayo, go’aamadan ayaa kala ah:
Dhamaan 6-dan marxaladood iyo 6-dan Go’aan ee Puntland ka hirgalay, qaar waa kuwo cusub oo dhawaan la hirgeliyey kuwana waa kuwo soo jireen ah oo marar badan dhaliyey in xukuumadihii ka horeeyey xukuumadda hada joogta ay ku heyso kalsoonida shacabka Puntland.
1. Guddiga Doorashada Puntland oo ka tagey dhex dhexaadnimadii loo unkay.
Guddiga Doorashada sharciyan waa guddi madax banaan oo ka madax banaan Dowlada, isla markaana ah mid laga rabo inuu dhex dhexaad u noqdo shacabka, xisbiyada iyo Dowlada, si markaasi loo xajiiyo doorashooyin xalaal ah in ay dhacaan.
Balse waxaa had iyo goor dhacda dowladaha Dimuquraadiyada isku sheega intooda badan ee ayagu taageerada ka heysan shacabkooda inay si gaar ah u maamulaan ama usoo xulaan xubnaha Dowlada u jan-jeera ama amarada tooska ah ka qaata Madaxtooyada, balse la huwiyo magaca Guddiga Doorashada.
Waxaa muuqata guddiga Doorashada ee Puntland inuu noqday xiligan mid ku dhex milmay Dowlada iyo xafiiska Madaxtooyada ee Puntland, taasi oo meesha ka saartay kalsoonidii ay shacabka ku qabeen guddigaasi hawlihiisa, waxaana soo qaadan doonaa tusaaleyaa cadeenaya sababaha keenay in shacabka ka xarig furto guddigan.
Belarus iyo Buntland (Puntland)
Shalay oo taariikhdu tahay 23ka bisha Septmeber waxaa wadanka BELARUS ee qaarada Yurub ku yaal ka socda codbixinta ama Doorashada Baarlamaanka, balse doorashadan waa mid natiijadeeda horey loo sii ogyahay oo la filayo inuu markale kusoo baxayo xisbiga Madaxweynaha hadda xilka haya ee Alexander Lukashenko. Arrintan ayaa keentay in shacabka aysanba codkooda dhiiban oo diidaan inay tagaan goobaha codbixinta!
Madaxweynaha dalkaasi Mr. Alexander Lukashenko ayaa wadankaasi Belarus oo ay dadkiisu gaarayaan 10 milyan soo xukumayey tan iyo sanadkii 1994. Doorashadii ugu danbeysay 2010 ayaa la sheegay in xisbiga Madaxweynaha helay 80% codadka codbixinta, arrintan oo shacabka intiisa badan isku raacay inuu ahaa musuq maasuq, ayadoo intii doorashadaasi socotay dowlada ay Xabsiga dhigtay 9kii musharax ee Madaxweynaha la tartamayey iyo in badan oo kamid ah xisbiyada mucaaridka.
Doorashada shalay ka dhacdey Belarus ayay xisbiyada Mucaaridka ku baaqeen in aan laga qeyb gelin maadaama jawiga ay doorashooyinkan ku dhacayaan ay yihiin kuwo aan ehel u ahayn in shacabku si madax banana codkooda u dhiibtaan, ama in natiijada soo baxeysa ay tahay mid mar walba la musuq maasuqay oo uu xilka kusii kororsanayo Madaxweyne Lukashenko.
Beesha Caalamka ayaa doorashadaasi ku tilmaamtay mid ka fog Dimuquraadiyad, waxayna wadamada Midowga Yurub iyo Maraykanka xayiraad kusoo rogeen Hogaanka dalkaasi kadib markii la arkay caburinta iyo xariga joogtada ah ee lagu hayo dadka shacabka ah.
Inkasta oo Belarus yahay dal madaxbanaan oo meelo badan ka hormarsan, Puntland ay tahay maamul ka mid ah Soomaaliya aya la isweydiinkaraa Maamulka Puntland ee hadda ma waxa uu doonayaa in uu u dhaqmo qaabka Lukashenko Dimoqraadiyad kelitalisnimo iyo xukun dheeraysi huwan.
Lidiya Ermoshina iyo Maxamed Xassan Barre
Guddiga Doorashada ee dalkaasi Belarus waxaa madax u ah haweenayda lagu magacaabo Lidiya Ermoshina oo ayadu kamid ah xubnaha Beesha Caalamka xayiraado safarka kusoo rogtay kadib markii ay si bareer ah u garab siisay Dowlada iyo Madaxweynaha, isla markaana isaga indho tirtay xariga loo geysanayo dadka shacabka ah.
Hadaba dhigeeda deegaanada Puntland waa Maxamed Xassan Barre oo asagu hadda guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee Guddiga Doorashada, waxaana si weyn loogu dhaliilay in Guddoomiyaha u noqday mas’uul qaaday wadadii Lidiya Ermoshina oo garab maray wadadii dhex dhexaadnimada ahayd ee lagu yiqiinay hawsha Guddiga Doorashada.
Maxamed Xassan Bare ayaa asagu wareysi uu siiyey idaacada VOA wax laga weydiiyey Banaanbaxyadii ka dhacay magaalada Qardho oo ay shacabka uga horyimaadeen imaanshihiisa, asagoo hadalkiisa kusoo koobay “ Ma arag wax Mudaharaad ah”
Waa dhici kartaa inuusan wax mudaharaad ah arag oo uu gurigii uu degenaa uusan kasoo bixin, balse wuxuu Guddomiyaha hadalkiisa kusii daray in arrinta 1ka sano ah ee Xukuumada dooneyso inay ku darsato ay tahay mid DASTUURI ah.
La yaab maaha in Guddoomiye Maxamed uu sidan u hadalo maadaama guddiga Doorashada ay si wadajir u soo wada magacaabeen Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdirishiid Xirsi oo hogaanka u kala haya Baarlamaanka iyo Xukuumada oo ayagu labaduba doonaya in muddo 1 sano ah loogu daro xilkooda oo ku eg sanadkan 2012.
Waxaa ayaduna kaaga siidaran in Ansixintii bishii April ee Dastuurka Qabyada ah ee Puntland ee codka u qaaden golihii Dowlada isugu yeertay, ayaan waxaa ku qorneyn qodobka sheegaya in Dowladan xiligan joogto 1sano loogu daray, balse waxaa jira LIFAAQ la socday dastuurka kaasi oo ay ku qorneyd arrinta 1ka sano.
Walow waxa la ansixiyey uu yahay Dastuurka balse aan wax cod ah loo qaadin Lifaaqa la xariiray arrinta 5ta sano ah. Arrintan waa mid keeni karta murran xoogan maadaama ay shacabka u arkaan khiyaano lagu dhex qarinayo Dastuurka Qabyada ah ee Puntland.
Arritan ayaa ah midda keentay in shacabka ay ku mudaharaadaan Guddiga Doorashada markii uu yimid magaalada Qardho.
Gudidgan ayaa sidoo kale maanta looga mudaharaaday magaalada Waaciye ee gobalka Karkaar markii ay isku dayeen inay shacabka la hadlaan, ayadoo Guddiga markii danbe ku khasbanaaday in dugsiga hoose dhexe ee Waaciye oo magaalada ka baxsan ay kula kulmaan mas’uuliyiinta degmada Waaciye.
2. Caburinta Codka Shacabka
Waa khatarta ugu weyn ee dowlada walba soo wajahda marka ay isbido inay shacabka mar siiso khasab wax yaabo badan oo su’aalo la iska weydiinayo, taasi oo markii danba keeni karta khatar ku timaada midnimada Puntland iyo amniga Guud, waana waxa hada looga digayo Dowlada inay ayadu noqon midda horseeda kacdoon shacab oo khal khal ku keena degenaanshaha deegaanka.
3. Awooda Dowlada iyo hay’adaha amniga oo si gaar ah loo adeegsado
Waxaa caado weligeed u ahay deegaanada Puntland in hadba mas’uulkii markaasi dowlada hogaanka u haya uu dhaqan ka dhigato in ay awooda Dowlada iyo hay’adaha amniga si gaar ah oo ka baxsan sharciga u yaal Puntland loo adeegsado.
Waxaad arkeysa muwaadin, Issim, iyo Suxufi aan wax danbi ah lagu cadeyn oo xabsiga ku jira bilo badan kadibna la iska soo sii daayo ayadoo aan wax danbi ah lagu soo oogin, ama aan maxkamada la horkeenin.
Xariga noocaan waa mid lagu bahdilayo qofkaasi isla markaana looga gol leeyahay in lagu cabsi geliyo shacabka intiisa kale oo isku daya inay dhaliilaan Dowlada, arrintan waa mid ay fududeystaan ragga markaasi hogaanka haya, balse waxaa hubaal ah inay ficiladan yihiin kuwa ugu horeeya ee soo dadajiya burbuka dowladeed, waa arrintii Soomaaliya ay ka dhaxashay Dowladii Militariga ahayd ee Allaha u naxariisto Maxamed Siyaad Barre.
Mas’uuliyiinta hada xilalka ka haya Puntland oo ayagu dhamaantood ah kuwii kusoo indho qaatay ama kamid ahaa Xukuumadii Militari ee Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre ayaa u muuqata inaysan wax badan ka baran casharadii Soomaali kasoo qaadatay ku takri falka awooda dowladeed.
4. Garsoor madax-banaan oo aan ka jirin Puntland
Waxaa nasiib daro ah in Awoodii Garsoorka Puntland uu noqday mid wiiqmay, taasi oo salka ku heysa madaxda Dowlada oo ayagu xil iska saarin sidii loo maal gelin lahaa ama loo dhiiri gelin lahaa Garsoor cadaalad ah oo dadka oo dhan iyo dowlada u siman yihiin. Dabcan arrintan waa mid ka jirta meel badan oo caalamka ka mid ah, balse Puntland waxay uga sii dheertahay ayadoo aysan jirin cid arrintan dhaliili karta ama soo hadal qaadi karta.
5. Dhaqaalaha Wadanka oo lagu takri falo
Waxaa hubaal ah musuq maasuqa ka jira dalka inuu yahay mid gaaray heer Shacabka ay ku kaftamaan oo aan xataa mararka qaarkood ahayn mid qarsan oo laga dareemayo guryaha iyo goobaha kale ee ganacsi oo ay leeyihiin mas’uuliyiinta dowlada kamid ah iyo waliba sida isbedalka ugu yimaado dhaqaalah hogaamiyaasha marka ay xilka qabtaan, taasi oo ah mid u baahan in shacabka laga shaafiyo, xili wadanka uu marayo wakhtigii ugu dhaqaalo xumaa oo hoos u dhac dhan 60% ku yimid dakhligii kasoo xaroon jiray Dekkada Bosaso.
Arrinta dakhliga dekadda Bosaaso waa mid salka ku heysa sare u qaadida canshuurta Dekadda Bosaso ee dowlada Puntland hirgelisay iyo hoos u dhaca ay xukuumada Somaliland ku sameysay Canshuuraheeda Dekkada Berbera, taasi oo noqotay mid keentay in ganacsato badan oo fadhigoodu ahaan jiray Bosaso inay u wareegaan dekkada Berbera.
Hoos u dhaca iyo sare u kaca musuq maasuqa waxay keentay in ay sii kala fogaadaan farqigii u dhaxeeya mas’uuliyiinta dowlada iyo shacabka Puntland oo dhan dhaqaale iyo dhan fikir aad mooda inay aad hada usii kala fogaanayaan.
6. Saxaafadda oo la cadaadiyo horumar ma keento
Qodobka Saxaafadda waa mid marar badan soo noq noqday ayadoo Puntland horey caan ugu ahayd saxaafadda Madax banaan balse waxaa lagu tilmaami karaa maanta ay mareyso heer ugu xumaa tan iyo intii la aasaasay Puntland 1998dii.
Waxaa sidoo kale hanjabaadyo joogta ah loola beegsada saxaafadda ka hawlgasha gudaha Puntland, kuwaasi oo inta badan dhowra inaysan ku xad gudbin shuruucda dalka u dajisan, balse waxaa lagu sii cadaadiyaa inta badan inaysan ka hadlin wax yaabo badan oo dhacay oo ay shacabka hadal hayaan, balse saxaafadu u bareeri weydo inay soo hadal qaado.
Qodobadaas waa kuwo ka jira Puntland ninkii ku nool baana garan kara, balse waxaa isweydiin muddan marxalada noocaan ah iyo dimuquraadiyada la sheegayo sida ay isula jaanqaadi karaan.
Marka laga yimaado marxaladahan dhulka ka jira hadana waxaa usii dheer inay jiraa Go’aamo dowladu ay hirgelisay oo meesha ka saaraya waxa lagu tilmaamo Dimuqraadiyada qodobadaasi oo aan kor kusoo sheegnay.
1. Shirarka siyaasadeed oo mamnuuc ka ah deegaanada Puntland
Waxaa ka hirgashay magaalada Bosaaso iyo Garowe go’aan horey uga soo baxay dowlada oo ah in aan shirarka Siyaasada lagu qaban Karin magaalada, ayadoo aan fasax laga heysan Dowlada.
Inkastoo arrintan ay ka hirgashay magaalada Caasimada ah iyo xarunta Ganacsiga balse go’aankan wuxuu ka hirgeli waayey magaalooyinka kale ee Puntland.
2. Hotelada oo digniin la siiyey inaan shirar lagu qabsan karin
Arritan ayaa waxay daba socotaa qodobka kore ayadoo Hotelada maamuladooda si toos ah dowlada ay ugu digtay in xarumahooda aan lagu qaban karin shirarka siyaasada ee ka baxsan kuwa ay qaban qaabiso Dowlada.
3. Saxaafadda Puntland oo digniin toos ah lagu siiyey inaysan wareysan karin wixii aysan dowlada raali ka ahayn
Waa arrin la yaab ah in Dowlada ay sanadkii 2011kii horaantiisa ay soo saartay go’aan ah in Saxaafadda Madax banaan aysan wareysan karin cidii ay dowlada raali ka ahayn, qodobkaasi oo ay ku wareereen saxaafada oo kala garan weyday cida loo ogol yahay inay wareystaan iyo cida aan loo ogoleyn.
4. Xafiisyada Issimada oo dhamaantood iridaha la isugu laabay
Waxay dowlada Puntland todobaadkan iridaha isugu laabaty halkii Xafiis oo ay Issimada ku lahaayeen magaalada Bosaaso, kadib markii shabeelood oo kamid ah beelaha Gobalka Bari soo saareen go’aan ay uga soo horjeedaan in xukuumada iyo Baarlamaanka ay 1 sano ku darsadaan.
Xafiiskii Issimada ee Bosaso ayaa laga qaatay dhamaan qalabkii yaalay kadib markii ay ciidamada ka socda guddoomiyaha gobalka Bari ay maalinimadii shalay halkaasi gudaha u galeen, ayagoo watay Waraaq ka timid Garowe oo amarkan lagu bixinayey.
Nidaamkan ayaa dadku isweydiinayaa in ay tahay Dimoqradiyadda cusub ee la soo wado, tas oo Puntland caalamka bareyso.
5. Mudaharaadka oo mamnuuc ah deegaanada Puntland
Waxaa taas usii dheer in tan iyo sanadkii 2005tii ay Puntland mamnuuc ka tahay in wax mudaharaad ah ay shacabka dhigaan, go’aankaasi oo ay bilowday Xukuumadii Cadde Musse waxaa sii hirgeliyey Xukuumada hada joogta ee uu hogaamiyo Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.
Magalooyinka Qardho iyo Gaalkayo ayaa ayagu noqday meelaha kooban ee Puntland ay ka hirgeli weysay sharciyadaasi ah in shacabka aysan banaanbixi karin.
Dowlada ayaa xoogeeda isugu geysay inaysan wax mudaharaad ah ka dhicin magaalooyinka Bosaaso iyo Gaalkacyo, taasi oo aan la aqoon inta ay sii socon doonto.
6. Xariga aan maxkamad lasoo marsiin oo bartilmaameed looga dhigtay qof walba oo loo arko inuusan taageersanayn Dowlada hada xilka heysa.
Sanadihii lasoo dhaafay waxaa sare u kacay tirada dadka aan danbiyada gelin oo xabsiga lagu xiro ayadoo la adeegsanayo erayga ah “ AMAR ka yimid Madaxtooyada “ taasi oo noqotay halaq mareen loo adeegsado cid walba oo ay mas’uuliyiinta dowlada doonayaan inay ciqaabaan.
Waxaana dadka inta badan lagu xiraa Xabsiga Bosaaso oo ah kan ugu kuleylka badan Puntland, ayadoo aan wax maxkamad ah la horkeenin, kadib muddo bilo ah oo rafaad iyo dhibaato ay dadkaasi kasoo maraa xabsiga ayaa lasoo daayaa ayadoo aan wax danbi ah lagu soo oogin ama maxkamad la horkeenin, ama aan wax raali gelin ah la siin.
Hadaba marxaladahan iyo go’aamadan ay qaadatay dowlada Puntland oo ay hirgelisay iyo Dimuquraadiyeenta la rabo in Puntland ka hirgasho ma yihiin kuwo isla jaan qaadi kara? Jawaabta su’aashaasi waxaan u daynayaa akhristayaasha.
Qore: Sharmarke Yusuf
Melbourne Australia
Maqaalkani Ceegaag.com Masuul kama ah Waxa na soo gaadhsiiyey Magaca Ku saxeexan
Figradihiina