Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Magaalada Columbus OH. oo aan badanaa booqdo Sadexdii sanoba mar ilaa iyo 1993, 1997, 1999, 2001, 2004, 2006, 2012, 2016, 2019. Anigoo magaalada u taga booqsho shaqo badanaa ayaa waxaa sanadkan iiga muuqatay isbadal wayn oo aan ka dareemayay shacabka Soomaaliyeed ee aan doonayo inaan maqaalka ku qaadaa dhigo.
Magaalada Columbus OH. oo aan sidii caadada ii ahayd u tagay si aan u duubo Jamaad Fiin oo ku qabatay tababar ay gabdhaha Soomaaliyeed ku dhiiro galinaso ciyaarta Kubada Kolayga Ayaan ka deraamay isbadal dhinaca ganacsiga, deegaanada dadku ku noolyihiin, dhinaca dacwada diinta Islaamka, nolosha dhalinta iyo jawiga hamiga shacabka ku dhaqan guud ahaan intii aan la kulmay
Dhinaca ganacsiga waxaan ka dareemayay inay sare u kacday dadkuna ay bilaabeen inay isku dayaan inay hindisaan ganacsiga noocyadiisa kala duwan, sidoo kale dhaqale ahaan waxaan ka dareemay inay haatan soo kacaameen ubadkii yaraanta dalka lagu keenay oo ay wax wayn ka badaleen fikirka iyo casriyeenta xeelahaha ganacsi ee shacabka Soomaaliyeed ee reer Columbus OH.
Dhinaca Deegaamada wali wax wayn ayaa dadka ka maqan iyada oo aanay jirin mashaariic dadku ku sameesteen maalgashi wadareed ah kazoo dadka qaar ka heli lahaayeen deegaamayn dadka qaarna ka heli lahaa macaash dhaqaale. Balse qoysas badan ayaa ka faa’iidaystay jabnaantii guryaha sadexdii sanadood ee tagay tasoo aan ka dareemay in qiimaha guryuhu sare u kacay ka dib markii ay badatay qoysaska iibsanaya guryaha iyada oo la’iisheegay inay qowmiyada Hindidu iyo jaarakoodu magaalad a dhaqo u yimaadeen oo ay beeca guryaha sare u qaadeen.
Dhinaca dacwada Islaamka waxaan ka dareemay in nin culisi ka baxay magaalada Sheekh Maxamed Idiris sidoo kalena ay jirtay eedeemo musuqmaasuq oo lagu dab joogay masaajidada qaarkood. Balse waxaan ka masquuday sida wanaagsan ee uu u socday hawlaha masjidul Abubakar oo aanba waaayay Meel aan kaga tukado Jimcihii dhawaa aniga oo aan arkin Masaajid ay Soomaalidu Salaada Jimce sidaa usoo camiraan tan iyo 2005 oo aah wadanka Soomaaliya booqasho Afar bilooda ku tagay.
Nolasha dhalinta waxaa aad iiga yaabiyay markii aan la kulamay tababare kubada kolayga ee xarunta FCI isaga oo aah waydiiyay tageerada uu ka helo waalidiinta ii sheegay in uu tababare u ahaa dhalinta Soomaalida eek u xidhan xaruntaa shanti sanadood ee lasoo dhaafay, oo gabigeedaba Soomaalidu kireesteen bilo ka hor “INUUSANBA ARKIN AMABA AQOON WAALIDIINTA CARUURTA UU TABABARO” Dhega.
Nolsha dhalinta waxaa iiga muuqday khatar badan oo ka imaanasa sida looga nool yahay wadankan Maraykanka, iyada oo ay iila muuqatay inaan mushatamaca rrer Columbus OH uusan u diyaar ahayn inay badbaadiyaan ama ay majaraha u qabtaan mustaqbalka dhalinta Soomaaliyeed eek u barbaaraya agagaarkooda. Waxaan dareemayay inaysan dadbadan dhibaynin dhibka haysta dhalinta qaarkeed maadaama aysan dhibkaa haysanin qoys ahaan amaba uusan wali yeelanin dhalin ku qaangaadhay wadankan Maraykanka.
Isku xidhnanta mushtamaca ayaa gabi ahaanba meesha ka baxay oo ay aad ugu liidatay magaaladu maadaama uu wiiqmay xidhiidh qabyaaladeedkii dadka isku soo dumi jiray. Dadka u adeega bulshada ayaa iyagu ka dhigtay xafiisyada ay ku tuugsadaan inay dadka wax u qabanayaan maqaaxi ay iska leeyihiin. Waxaanan ka markhaati kacayaa inay wali soo mutaxan yihii ragii mushtamaca hor taagnaa dhamaadkii 90 shameeyadii.
Eng Xuseen Fiin
Boston, USA
Figradihiina