Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Dawlada Soomaaliya ayaa waxaa wali ka muuqanaya bisayl la’aan xaga isticmaalka awooda dawladeed, waxaa weli uu Xiran Wariye Cabdicasiis Cabdi Nuur (Koranto) oo u Shaqeynayey Radio DALSAN ka dib markii Waaxda Dambi Baarista ee CID ay ku soo eedeysey War ay sheegeen in uu faafiyey kaasoo ku saabsanaa Kufsi loo geystey Gabadh ka mid ah dadka Barkacayaasha hase yeeshee Cabdicasiis Koronta waxaa uu sheegey in uusan warkaasi siideeyn, iyadoo Bahda Saxaafada ay ka Murugeysan tahay Xadhigaas ayaa waxaa Maalintii Sabtida ahayd Xafiisyada Wargeysyada Xog-Ogaal(Maxamed Axmed Siyaad oo ku magac dheer ( Black) oo ah Madaxa Wargeyska Xog-doon) iyo Xog-doon la soo gaarsiiyey Warqad ka timid Xeer Ilaaliya Guud taasoo loogu yeeraya Tafaftirayaasha Wargeysyadaas in ay Maalinta Isniinta ee ay bishu tahay 14 ay hor yimaadaan Maxkamada Sare.
Sababta oo ah Wargeysyadaas ayaa waxay faafiyeenoo wax laga waydiinayaa Kaartoon uu Amiin Caamir ka sameeyey Gudoomiyaha Maxkamada Sare Caydiid Cabdulaahi Ilko Xanaf , Kaartoonkaas oo ay faafiyeen Labadaas Wargeys Taariikda Markey ahayd7/1/2012oo ah Laba Wargeys oo maalin weliba ka soo baxa Magaalada Muqdisho.
Afartii Bilood ee ka soo wareegtey Doorashadii Madaxweyne Xasan Shiikh 10-kii September waxaa la diley Dhowr Wariye waxa la dhaawacay in Intaas ka badan waxaa la xirey laba Wariye oo mid uu ahaa Wariye Ibraahim Maxamed Aadan oo u shaqeynayey BBC-da midna uu Haatan u Xiran yahay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Cabdicasiis Cabdi Nuur ( Koronto) oo u Shaqeynayey Radio DALSAN waxaana Mudadaas Wariyayaasha u sii dheer Hanjabaadyo aad u tira badan oo dhinaca Taleefoonada hadaba lama oga waxa iyana Muteysan doonaan kuwa Maanta uu u yeerey Xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka ee Wargeysyada Xog-Ogaal iyo Xog-doon.
Figradihiina