Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xaaladda Dhaawacyadii Loo Qaaday Dalka Sudan Oo helay Daryel Caafimaad

Ka dib Cabashooyin ka soo baxayay Ardayda wax ku barta dalka suudaan iyo dad kala socday dhaawacyada dalkaas la gaarsiiyay ba waxa isla xalay lagu guulaystay in la xalliyo cabashooyinkii jiray dhamaan dhaawacydiina la geeyay isbitaalo tayadoodu aad ay usarrayso.

Safiirka Dawladda Soomaaliya u fadhiya Dawlada Qatar Mudane Cumar Idris ayaa sheegay in labada safaaradood ee Soomaaliya iyo Qatar ee Magaalada Khartuum ay kawada shaqayn doonaan sidii dhaawacyadaas ay daryeel wanaagsan u heli lahaayeen si dhawna xaaladooda ula socon lahaayeen.

Xildhibaan Adan Isaak oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ayaa Qoraal Mahadcelin ah soo dhigay bartiisa facebook isago u mahadceliyay Dawladdaha Qatar, Suudan, iyo Madaxda Dawladda Soomaliya oo degdeg ooga jawaabay cabashadii ka imanaysay dhaawacyada iyo ehellada la socdaba:

“Waan u mahadnaqayaa inti ka hadashay xaalada walaalaheena loo qaaday Sudan sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa Dowlada Qadar iyo Sudan sidi ay uga jawaabeen cabashadii waxaana igu maqaala ah in wax laga qabtay.”

Sidoo kale Drs Sumaya Elmi oo hormuud u ah qaybta caafimaad ka ee Gurmad Qaran ayaa sharaxday tirada Dhaawacyada iyo Isbitaalada lakala geeyay:

“bukaanadi maanta ee 53 waxaa 30 kamida lajiifiye hospitaalka Xaaji Saafi oo mid nabad-sugida raacsan , intakale oo ah tirada 22 hospitaala kala duwan oo private ah ayaa lajiifiyay oo heerkooda Shaqo aad usareeyo. Hal qof ayaa nagadhintay sidaa ogsoonahay. Sidaas ayee 53 kuyiiin”.

Dawladaha Turkey, Qatar, iyo Kenya ayaa ka mid ah dalalka qaaday qaar ka mid ah dhaawacyadii qarixii waynaa ee 14 October ka dhacay Isgoyska Zobe ee Magaalada Muqdisho.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply