Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xaflad Ardayda Kaalimaha Koobaad Kagalay Sanad Waxbarashadeedka 2017/2018 Ayaa Lagudoonsiiyay Abaalmarin Iyo Shahaadooyin

Xaflad arday gaaraysay 22-tan arday oo isugu jiray wiilal iyo gabdhaba kana kala socday qaybaha ay ka koobantahay Jaamacadda Muqdisho ayaa maanta waxay ka dhacday xarunta shirarka ee Jaamacadda Muqdisho.

Xafladan ayaa waxay ka koobnayd laba qaybood, abaal marin ay kuguulaysteen oo ahayd inay kaalinta koobaad ardadii fasalkooda ugala ayna ku heleen in sanadka soo socda aan laga qaadaynin wax qarashaadka ah iyo in lagudoonsiiyay shahaado cadaynaysa inay sanad waxbarashadeedkan ay kaalinta koobaad galeen.

Munaasabadan waxaa kahadlay masuuliyiin Jaamacadda Muqdisho kasocotay oo ay kamid yihiin ustaad Aadan Axmed Xuseen (Aadan Xerow), ustaad Daa’uud Muuse Daa’uud oo ah agaasimaha xafiiska guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho iyo ustaad Mustafa Cabdullaahi Feyruus oo ah agaasimaha machadka ISOS ee hoostaga Jaamacadda Muqdisho iyagoo kula dardaaramay inay dadaalkooda sii labalaabaan ayna muujiyaan inaysan meesha hadda ay joogaan aysan gadaal uga noqon.

Dhanka kale waxaa kahadlay waalidiin ay kamid yihiin ustaad Ibraahim Xasan Axmed iyo marwo Shukri Xasan Cismaan oo tilmaamay inay ku faraxsan yihiin dadaalkan ay muujiyeen maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Muqdisho ayna tahay wax Illaahey loogu mahad celiyo waxayna u rajeeyeen Jaamacadda Muqdisho guul iyo horumar joogta ah.

Dhanka kale ardayda kaalimaha koobaad ku guulaystay arday kamid ah oo layiraahdao Cabdishakuur Cali Diirshe ayaa tilmaamay in uu kufaraxsanyahay xafladan loo qabtay wuxuuna umahad celiyay maamumlka iyo macalimiinta Jaamacadda Muqdisho oo uu kutilmaamay inay dadaal badan geliyeen mireheedana aan maanta guranayno wuxuuna kula dardaaramay ardada kale maahmaahdii soomaaliyeed ee oranaysa “Lakala badi oradna maahan”

Ugu dambayn Madaxa xafiiska ardayda ustaad Muuse Axmed Cabdalla ayaa kula dardaaramay inay dadaalkooda sii labalaabaan ayna xajistaan kaalinta maanta ay taaganyihiin.

Xafladiina waxay kusoo dhamaatay jawi aad uqurux badan.

Cabdinaasir Yuusuf Macalim

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply