Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xaflad ay ku Qalin-jabinayeen Ardayda Jaamacadda Hormuud oo lagu qabtay Muqdisho

Janaayo 07 (Ceegaag) — Xaflad ay ku Qalin-jabinayeen Arday dhammeysatay Waxbarashada kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada Hormuud, kuwaasoo isugu jiray kuwo dhameystay shahaadada heerka koowaad ee [Bachelor degree] iyo kuwo dhameystay Wax-barashada heerka sare ee Master-ka ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.
Qalin-jabinta ayaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin ka socday Wasaarada Waxbarashada dalka, Wasaaradda Haweenka, Guddoomiyeyaal degmo, maamulka Jaamacadda Hormuud, maamulka Jaamacada Lincoln, Arday iyo marti sharaf kale.
Jamacaadda Lincoln oo fadhigeedu yahay waddanka Malaysia ayaa Jaamacadda Hormuud ka gacan siisay fududeynta Waxbarashada sare ee Master Degree . Iyadoo Guddoomiyaha Jaamacadaas, Dr Amina Bube oo xaflada ka hadashay ayaa u mahad-celiyey mas’uuliyiinta iyo ardayda Jaamacadaas ka af-laxday, Wuxuuna xusay inay Jaamacadda Lincoln sii wadi doonto iskaashiga ka dhaxeeya labada Jaamacadood.
“Anigoo ku hadlaya magaca maamulka Jaamacadda Lincoln ee Malaysia waxaan ku farax-sannahay inaan kasoo qayb-galo Munaasabadaan qalin-jabinta ah, waana guul aad gaarteen waanan idiin hambalyeenayaa, waxaana idiin leeyahay waxbarashada sii wada, Waayo ma dhammaado cilmiga. Annaga waxaan ku dadaali doonaa inaan sii wadno howsha darasadda sare,” ayii yiri Dr. Amina Bube.
Guddoomiyaha Jaamacadda Hormuud, Aadan Shidane Guuleed oo isagana xafladda hadal koban ka jeediyay ayaa bogaadiya arday qalin-jabiyay, ka maamul ahaana sheegay inay sii wadi doonaan sare u qadista tacliinta.
“Runtii farxad weyn ayay ii tahay inaan arko tiradaan ardayda ah oo jaamacadda Hormuud ka baxday, Waana wada-jamiciyiin, Guul ayaa idiin rajeynayaa, waana inaad halkaas kasii waddaan waxbarashada. Maamul ahaanna waxaa sii ballaarin doonnaa kuliyadaha, inagoo ku dadaali doonna inaan soo saarno arday tayo leh,” ayuu yiri guddoomiye Aadan Shidane.
Dhanka kale, Agaasimaha Manaahijta Wasaaradda Waxbarashada, Muuse Faarax Haybad ayaa maamulka Jaamacada Hormuud ku ugu baaqay inay kuliyadaha ay jaamaacadu bixiso lagu soo daro kulliyadda Macallimiinta ama Waxbarashada oo uu tilmaamay inay muhiim tahay.
“Aniga waxaan si gaar ah uga codsanaa maamulka Jaamacadda Hormuud inay kulliyadaha ay bixiyaan kusoo daraan kuliyadda macallimiinta oo aan is-leeyahay waa muhiim, dhinaca kale waxaan bogaadinaa maamulka Jaamacadda” ayuu yiri agaasime Haybad.
Ugu dambeyn, Jaamacada Hormuud ayaa waxay ka mid tahay Jaamacdaha laga hirgeliyay dalka burburkii kaddib, waxaana la furay sanadkii 2010-kii, ardaydana waa dufcadii labaad ee ka qalin-jabiya jaamacadda.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply