Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xaflad Ballaaran oo loo Sameeyey Sannad Guurada 2-aad ee Wargeyska Codka SOSCENSA

Waxaa Xarunta Dalladda SOSCENSA ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimye laguna xusayey Sannad Guurada Labaad ee Wargeyska SOSCENSA , waxaana munaasabdaan ka qayb galey Xildhibaano, Madaxda Dalladda SOSCENSA , Qorayaal Rugcadaa ah, Somali Pen, Ururka Saxfiyiinta Qaran Soomaaliyeed , Qaybaha Warbaahinta iyo Marti Sharaf kale.
Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadley Xoghayaha Maaliyada ee Dallada SOSCENSA Maxamed Xasan Doob oo u mahadceliyey Dhamaan Shaqaalaha iyo qorayaasha Wargeyska SOSCENSA oo uu sheegey in ay Mudadii labada sano ahayd ay qabteen Howl Muhiim oo ku saabsan in Wargeyska uu ka mid noqdo Wargeysyada sida aadka ah loo akhrsto.
Axmed Maxamud Dhicisow oo ah Tafaftiraha Idman Wargeyska SOSCENSA ayaa si weyn ugu dheeraadey heerarakii uu soo maray Wargeyska SOSCENSA isago halkaa ka cadeeyey in Mudadaas labadaas sanno ahayd uu wargeyska uu galey Laba qalad ka isagoo sheegey in labadaas qalad ay dib u saxeen , wuxuuna u soo jeediyey ka qayb galayaasha in wixii Qoraal iyo Fikr ah ay ku soo biirin karaan Wargeyska SOSCENSA
Cabdulaahi Maxamed Xasan (Black) Gudoomiyaha Wargeyska SOSCENSA oo isna halkaas ka hadley ayaa sheegey in marka uu Wargeys uu soo baxo uu yahay astaan u taagan Horumarinta afka Soomaaliga waxaa kale uu sheegey in wax laga xumaado ay tahay in Waaxdii Qoraalka ee Wasaarada Warfaafinta gabi ahaanba la la joojiyo wuixuuna soo jeediyey in arrintaas dib looga fiirsado.
Qoraa sare Ciise Faarax oo Xafladaas ka hadley ayaa soo dhaweeyey in dallada SOSCENSA ay soo saarto Wargeys Bile ah oo Madaxbanaan oo aad u qurux badan waxaa iintaas sii raaciyey” Anigu Wargeys ma dhihi lahayn, balse waxaa ku talinayaa in la yiraahdo Magazine maadaama Nooca Caalamiga u eg yahay naqshad ahaan iyo Kalar ahaan”
Rug cadaaga Qoraaga Soomaaliyeed Al Ustaad Saciid Cabdisalaan oo Munaasabdaas ka hadley ayaa si weyn u soo dhaweeyey dadaalka Dalladda SOSCENSA ee ay ku soo saarto Wargeys Bile ah kuna bixiso Kharash fara badan si Bulshada ugu jiheyso Wada lagu gaari karo Horumar iyo Amni
Waxaa ii intaa ku darey“ Wargeys waa Keyd Marjac ah waana Hooyada Warbaahinta Aduunka waxaana soo jeedinayaa in halkaas laga sii wado soo saarista Wargeyska SOSCENS”
Xoghayaha guud ee ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ ) oo Munaasabdaas hadal gaaban ka soo jeediyey ayaa u mahadceliyey Dhammaan Qorayaasha iyo Masuuliyiinta Dalladda SOSCENSa oo uu sheegey in ay Bulshada u hayaan Howl la taaban karo isagoo halkaas ka balan qaadey in Ururkoodu uu gacan siin doono Bahda Wargeysyada.
Xasan Axmed Sadiiq oo ag agaasimha Fulinta ee Dalladda SOSCENSA oo ka hadley Xafladaas ayaa Mahadcelin ka dib waxaa uu sheegey in Dhaqaalhii ku bixi jirey wargeyska uu istaagey muddo dhowr bilood hase yeeshee Dallada iyadoo ka duuleysa Waxtarka Wargeysaka uu u hayo Bulshada ay go’aansatey in Wargeyska halkaas laga sii wado, wuxuuna u soo jeediyey Bulshada in wixii talo ah ee ku saabsan Horumarinta Wargeyska ay soo dhaweynayaan
Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaah oo ah Gudoomiyaha Guddiga Warfaafinta ee Baarlamaank Federaalka ayaa sheegey in Baarlamaan ahaan ay soo dhaweynayaan soo saarista Wargeyska , wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyey Howlwadeenada Wargeyska oo uiu sheegey in ay Bulshada u soo gudbiyaan Qoraalo ka turjumaya sidii ummada ugu hagi lahaayeen Wadada toosan waxaa uu intaas sii raaciyey, “waxaan idiin sheegey in goor dhow uu Baarlamaanka uu meel marin doono Xeerka Saxaafada waxan u soo jeedinayaa Bahda warbaahinta in ay xeerkaas ku dhaqmaan

Ceegaag- muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply