Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo loogu dabaaldagey sanadguuradii 4aad ee Aasaaskii Jaalliyada DDSI ee gobolkan Alberta, ayaa lagu qabtay St. John’s Cultural Centre ee magaalada Edmonton.
Xafladan ayaa waxaa hadalo ka jeediyay Gudoomiyaha Jaalliyada DDSI Maxamed Mukhtar Shafi, isagoo ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay munaasabadani sheegayna in ay tahay maalin la weyn xusitaankeeda isaga oo ku dheeraaday taageerada balaadhan ee ay Jaalliyadda DDSI ee Alberta u hayso XDSHSI iyo xukuumada DDSI ee uu hormoodka ka yahay madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar..
Waxaa sidoo hadalo qiimo badan ka jeediyay Gudoomiyaasha Jaalliyadaha Brooks, Grande Prairie iyo Ottawa iyagoo sharaxaad dheer ka bixiyay hiigsiga iyo hirgalinta jihooyinka iyo qorshayaasha horumarineed ee Jaalliyaddaha wadankan Canada iyo sii xoojinta xidhiidhka iyo isku xidhnaanta jaalliyadaha wadankan oo dhan.
Xafladan ayaa waxaaa mahad celin iyo bogaadin looga soo jeediyay Madaxweynaha Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamud Cumar, iyadoo si weyn loogu amaaney horumarka iyo isbadalada sida xawliga ah uga socda dowladda deegaanka soomaalida ee Itoobiya.
Sidoo kale munaasabadan waxaa khadka Telephoneka kaga soo Qaybgalay Wasiirka Jaaliyaddaha ee DDSI isagoo ugu horayn mahadnaq balaadhan u jeediyay dadaalka wadaniyadeed ee ay qurbajoogta DDSI ee gobolka Alberta isugu xilqaameen iskudubaridka iyo Agaasimida Munaasabadan balaadhan ee lagu xusayay sanadguuradii 4aad ee aasaasida Jaalliyada DDSI ee gobolka Alberta.
Xafladdaas oo lagu soo bandhigay suugaanta nooceeda kala duwan iyo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u sarreeya.
Figradihiina