Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xafladda Qalin jabinta Dufcadii 18aad ee Jaamacadda Muqdisho oo laqabtay

Xaflad si heer sare loosoo agaasimay kuna saabsaneyd qalin jabinta dufcadii 18aad ee Jaamacadda Muqdisho ayaa lagu qabtay Royal Hotel Place ee Magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn waxaa kalmad soodhaweyn ah ka hadlay gudoomiye kuxigeenka jaamacadda muqdisho ee arimaha xiriirka Prof. Maxamed Xuseen Ciise (Liibaan)oo u mahad celiyay ardayda qalinjabinaysa iyo waalidiintooda wuxuuna kula dardaarmay inay waxbarashadooda sii wataan.

Proff. Cilmi Dhuxulow Gacal oo ah Hormuudka Daraasaadka sare ee jaamacadda muqdisho ayaa u hambalyeeyay ardayda qalin badalatay wuxuuna kusoo dhaweeyay in daraasaadka sare ee jaamacadda muqdisho ay ugu imaan karaan waxbarashada sare oo tayo leh.

Prof. Cali Sheekh Axmed Abuubakar Gudoomiyihii hore ee jaamacadda muqdisho kana tirsan gudiga sare ee jaamacadda muqdisho ayaa ardayda qalin jabinaysa ugu hambalyeeyay heerka ay soo gaareen iyaga iyo waalidkoodaba “Waxbarasho wey bilaabataa ee ma dhamaato”.

Dr. C/shakuur Sheekh Xassan Fiqi agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada iyo hidaha ayaa ku amaanay jaamacadda muqdisho inay markasta soosaarto arday tayo leh bulshada soomaaliyeedna wax weyn u qabtay isagoo u mahadceliyay masuuliyiinta jaamacadda iyo macalimiinta.

Ugu dambeyn waxaa xafladda soo xiray gudoomiyaha jaamacadda muqdisho Dr.Ibraahim Maxamed Mursal Cali ayaa u hambalyeeyay ardayda qalin jabisay wuxuuna u rajeeyay iyaga iyo waalidkood horumar wuxuuna kula dardaarmay ardayda in ay cilmiga ay barteen ay dadkooda ugu adeegaan

Cilmi aan akhlaaq laheyn cilmi ma noqdo

“Jaamacadda Muqdisho waa jaamacad u taagan inay soo saarto hogaamiye ummadiisa u horseeda wanaag sharaf iyo cisi kana ilaalisa ama ladagaalanta waxyaabaha xunxunka ah ee ay ka mid yihiin qabyaalada iyo miraheeda xun.” sidaasna waxa yiri guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Ibraahim Maxamed Mursal.

Xafladiina waxay kusoo gabagabowday jawi wanaagsan oo qiimo leh.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply