Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xafladda Qalin jabinta Dufcadii 19aad ee Jaamacadda Muqdisho oo laqabtay

Xaflad si heer sare loosoo agaasimay kuna saabsaneyd qalin jabinta dufcadii 19aad ee Jaamacadda Muqdisho ayaa lagu qabtay Hoolka Sahal ee Magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn waxaa kalmad soodhaweyn ah ka hadlay lataliyaha gudoomiyaha arimaha Dr. Shariif Cusmaan oo u mahad celiyay ardayda qalinjabinaysa iyo waalidiintooda wuxuuna kula dardaarmay inay waxbarashadooda sii wataan.

Sidoo kale waxaa isna kalimad kajeediyay munaasibadan diiwaan hayaha guud ee Jaamacadda Muqdisho Dr. Maxamed Xasan Nuur oo sheegay in  golaha Jaamacadda sare waxa uu ogolaaday in ardaydaan oo ka kooban 9 kuliyadood iyo 20 takhasus, 1 takhasus oo diploma ah, 6 takhasus oo Master ah, ay dhamaysteen barnaamijyadoodii waxbarashada ay ku jireen.

Waxaa kaloo kahadlay Dr. Cilmi Dhuxulow Gacal oo ku hadlay magaca hormuudyada Jaamacadda Muqdisho iyo qaybta daraasaadka sare, xeer ilaaliyaha guud ee dawlada federaalka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir, Dr. Maxamed Maxamuud Xasan (Bideey), Dr. Cali Baashi Cumar Rooraaye, Proff. Maxamed Xuseen Ciise Liibaan (Dr. Liibaan) iyo wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdille (Jaabiri).

Ugu dambeyn waxaa xafladda soo xiray gudoomiyaha jaamacadda muqdisho Dr.Ibraahim Maxamed Mursal Cali ayaa u hambalyeeyay ardayda qalin jabisay wuxuuna u rajeeyay iyaga iyo waalidkood horumar wuxuuna kula dardaarmay ardayda in ay cilmiga ay barteen ay dadkooda ugu adeegaan

Cilmi aan akhlaaq laheyn cilmi ma noqdo

“Jaamacadda Muqdisho waa jaamacad u taagan inay soo saarto hogaamiye ummadiisa u horseeda wanaag sharaf iyo cisi kana ilaalisa ama ladagaalanta waxyaabaha xunxunka ah ee ay ka mid yihiin qabyaalada iyo miraheeda xun.” sidaasna waxa yiri guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Ibraahim Maxamed Mursal

Xafladiina waxay kusoo gabagaboowday jawi aad u qurux badan.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply