Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
December 19 (Ceegaag)–Tan iyo wixii ka danbeeyey Markii magaalada Muqdisho la keenay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax waxaa soo baxaayey warar kala duwan oo ku adan halka lagu hayo iyo sida ay tahay xaaladiisa.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax ayaa waxaa lagu hayaa Guri ay Ilaalo gaar ka yihiin CIidanka Nabadda Sugidda Somaliya,waxaana la xadiday socodkiisa,si gaar ahna waxaa loogu amray in uusan wax shaqo ah qaban karin illaa amar danbe oo ka soo baxa Madaxda Sare ee Dalka.
C/fitaax Xasan Afrax Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa Caqabad Muuqato ku ahaa Dowladda Federaalka Somaliya,waxa uuna mararkala duwan is hortaagay Dhismaha Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe,iyadoona Dowladda Fursad ay ugu Heshay markii la ogaaday in Ilalada Gudoomiyaha ay dileen Madixii Hey’adda Miino Baarista Gobolka Hiiraan Mahdi Xuseen Shiikhaalow.
Dowladda Somaliya ayaa ku howlan sidii ay u soo Magacaabi laheyd Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan,waxaana markaan la filaya in loo magacaabo shaqsi ay Bulshada Gobolka ay wada taageersanyihiin,waxaana socda Dadaalada lagu soo magacabayo Qofkii badali lahaa Gudoomiyaha.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax ayaa wajahaya Marxaladoo cusub,waxaana suuragal ah in Xukun lagu rido.
Si kastabaha waxaa Mudooyinkaan isasoo tarayey Cabashooyinka laga qabo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.taasoo Bulshada iyo Madaxda Gobolka Hiiraan ay si islamid ah ugu soo horjeesteen Gudoomiyaha Iminka ku jira Xabsi ay maamusho Ciidanka Nabad Sugidda Qaranka.
Ceegaag.com
Figradihiina