Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xarunta Waxbarashada ee Ismet iyo Fatma Tahiroglu ee Buuhoodle ayaaa maanta Xadhiga laga jarey

Xaruntan ayaa waxaa dhistay Hay’adda Deniz Feneri Dernegi isla markaana ay fulisey NOG ga HADWA ayaa Waxaa wax ka badan doona arday ku dhaw 800 oo arday , kuwaa oo isugu jira Agoon, Danyar iyo caruuraha kale ee deegaanada hoos yimaada Buuhoodle. Waxaana waxbarasada dusigan oo ay dheertahay Hoy, Hu iyo Noloshooda dhamaantood kafaalo qaatey Dawlada Turkiga oo soo marinaysa Hay’adda Deniz Feneri Dernegi.

Xaruntan ayaa ka kooban dugsi hoose dhexe iyo sare kuwaa ku qalabaysan qaybaha kala duwan ee agabka waxbarashada , waxaan ay ka heli doonaan dhamaan ardayda xarunta wax ka baran doonta Hu’ Hoy ay seexdaan caruurtu, Qaybaha Cuntada, Masaajid iyo sidoo kale meelo ay ku ciyaaraan ku nastaan oo iyana loo dhisi doono. Ardayda waxa ka baran doonta dugsigani ayaa ah arday 90 % agoon ah sida ay hay’addu ugu tala gashey, Waxaana qorshuhu yahay illaa heer Jaamacadeed in la taageero.

Munaasibad xadhiga looga jarayey dugsigan ayaa maanta Waxaa ka soo qayb galay madaxda ka socotay dawlada Turkiga, madax ka socotay hay’adda Deniz Feneri Dernegi, masuuliyiin odoyaaal iyo waalidiin ka socday degmada Buuhodle, Maamulaha xaruntani Maxamuud Xasan Cali (Falliidh) ayaa sheegay in mashruucani ay ku guulaysteen dhamay tirkiisa bulshada Buuhoodela ay ka faa;iidasan doonaan , Waxaana uu si wayn uga mahad naqey Hay’adda Deniz Feneri Dernegi gaar ahaan Gudoomiyaheeda iyo masuuliyiinta kale ee Hay’adda iyo dawlada Turkiga.

Gudoomiyaha Hay’adda Deniz Feneri Dernegi oo madasha xadhiga ka jarey ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dhamaan taageerada iyo baahiiiyaha uu u baahan yahay dugsiga, ardayda Wax ka baran doonta , hoygooda, Waxbarashooda iyo sidoo kale in ay bixiyaan dhamaan baahiyaha ay u baahan yihiin barayaasha dugsigani.

Garaad C/Risaaq Garaad Soofe iyo odoyaaashii kale ee ka soo qayb galey munaasibadani ayaa si wayn uga mahad naqey dawlada Turkiga iyo hay’addani, Waxaan ay sheegeen in ay u abaal gudi doonaan goorey noqotaba, maadaama boqolaaal caruur ay kafaalo qaateen Waxbaarshooda iyo baahiyahooda asaasiga ah.

Mawliid Haradigeed Buhodle.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply