Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

XASAN SHEEKH: Waxaa naga go’an inaan iska qabano Qofkii Sharciga Dhibaato ku Geysanaya

September 12, 2015 (Ceegaag) — Munaasabad lagu Maamuusayay Sannad-guuradii Saddexaad ee kasoo Wareegtay markii xilka Madaxtinimada ee dalka loo doortay Xasan Sh. Maxamuud ayaa Xalay lagu Qabtay Muqdisho, iyadoo Madaxweynuhu uu halkaas ka jeediyay khudbad.
Xafladda oo ay kasoo Qayb-galeen Guddoomiyaha Baarlamanka, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole iyo ururrada Bulshada, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka jeediyay hadal uu kaga Waramayo marxaladda Dalka uu marayo iyo Guulaha la gaarey Saddexdii sanno ee lasoo dhaafay.
Madaxweyuhu wuxuu sheegay in Soomaaliya muddo haatan laga joogo rubac qarni ay ka burburtey dowlad xooggan, nidaamkii iyo kala dambeyntiina ay meesha ka baxeen, laakiin dadaal dheer kadib la qabtey hawl badan oo dowladnimo buuxda dalka loogu soo celinayo, isla markaana ay wax badan Qabsoomeen.
“Wax badan ayaa la qabtay, baahi badanna way jirtaa. Inagoo og in baahiyo badan oo kala duwan ay jiraan, ayaan haddana waxaan diiradda saarnaa baahiyada kuwa ugu muhiimsan inaan sida ugu Macquulsan wax uga qabano. Shacabkeenna wuxuu xaq u leeyahay inuu helo Adeeg la bixiyo kan ugu wanaagsan dhinac kasta. Haddii aan is kaashano, shacab iyo dowlad, waxaa hubaal ah inaan gaari doonno hadafka aan leennahay,” ayuu Xasan Shiikh yiri.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale dhiirri-galiyay in la sii wado hawlaha dib u heshiisiinta oo uu sheegay inay sal u yihiin in Soomaaliya ay iska ilowdo waayihii adkaa ee lasoo marey, lana furo bog cusub oo ku dhisan wada-noolaansho, is-aqbalaad iyo is-xurmeyn ah.
“Waa in qof walba lagula Xisaabtamaa waxa u geysto, saxna ma ahan in nin dambiile ah falka uu gaystay loo saariyo, qof kale iyadoo la cuskanayo sababo beeleed iyo waxyaabo kale oo aan munaasab ahayn. Qof walbana waa inuu sharciga tix-geliyaa. Haddii aan hab-dhaqanka, isla xisaabtanka joogtayno waxaa hubaal ah inaan halayno nabad, xasilooni iyo dib u heshiisiin waarta,” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu xusey in Nidaamka baahinta xukunka lasii wadi doono laga tuulo illaa degmo, heer gobol iyo meel kasta oo baahidaasi ay ka jirto, isla markaana loo baahan yahay in nidaamka federaalka aan loo adeegsan in dadka lagu kala qaybiyo.
“Ujeeddada aan ka leenahay hirgelinta nidaamka federaalka, waxa weeyaan in shacabka ay baahidooda ka tashadaan, iyadoo la raacayo sharciga dalka u degsan. Ma aqbali doono in nidaamkan loo adeegsado in dadka lagu kala qaybiyo ama colaado hor leh loogu abuuro. cid kastoo lagu helo inay nidaamka federaalka u adeegsanayso kala qaybinta iyo inay ku waxyeelleyso shacabka, waxaa naga go’an inaan iska qabano, cid walba oo nidaamkan sidii loogu talo-galnay u adeegsatana waa inaan wada-taageernaa,’’ ayuu yiri Madaxweynuhu yiri.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in lixdii tiir ee dowladdiisa lagu soo doortay ay wax badan ka qabsoomeen, Ujeeddaduna ay tahay in dalka loo sameeyo Aasaas wanaagsan oo mustaqbalka horseedi kara helista dowlad adag oo sharciga iyo kala dambeynta sugta, isla markaana caddaalad u sameysa shacabka Soomaaliyeed oo dhan.
“Lixdii tiir ee aan Doorashada kusoo galnay saddex sanno ka hor, waxaa ugu muhiimsanaa nabadda oo ah furaha horumarka iyo dowladnimada saxda ah. Guulo badan ayaa la gaarey. Al-shabaab waxaa laga saarey dhulkii ay haysteen intiisa badan. Waxay haatan ku hareen goobo aad u kooban oo aan filayo in dhowaan lasoo af-jari doono. Waxaan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa Ciidamada Xooogga Dalka, ciidanka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo Shacabka oo iska kaashaday Dagaalka lagula jiro Al-shabaab. si dagaalka looga soo horjeedo Argagixisada looga Mira-dhaliyo, Waxaa laga Shaqeynayaa sidii uu dalka u yeelan lahaa sharciga la-dagaallanka Argagixisada.’’
Dhinaca dhaqaalaha ayuu Madaxweynaha Somalia ka hadlay isagoo xusay in Wasaarada Maaliyadda, Baanka Dhexe iyo Guddiga Maamulka Maaliyadda ay dejiyeen hab si hufan lagula socon karo xisaabaadka dowladda, taana ay meesha gebi ahaanka ka saari doonto in hantida dalka si sharci darro ah loo adeegsado.
Wuxuu kaloo ka hadlay Xiriirka Somalia ay la leedahay beesha caalamka, isagoo sheegay inuu aad u wanaagsan yahay, saddexdii sanno ee la soo dhaafeyna ay safaarado badan oo cusub dalka ka furmeen, shirar badan oo caalami ah ay ka dhaceen gudaha dalka, iyadoo aqbalaadaasina ay ku timid dadaalka wanaagsan ee shacabka iyo dowladda u galeen dib u soo nooleynta dowladnimada Somalia.
Ugu dambeyn, Xasan Sheekh ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoo sheegay in munaasabaddan ay Soomaalida oo dhan wada leeyihiin, maadaama shaqada iyo hadafka la leeyahay ay yihiin dalka uu gaaro horumar dhan kasta ah sida Ammaanka, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Adeegyada kale ee Bulshada.
Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply