Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xeer Ilaaliyaha Guud oo sheegay in Kenya isku dayday inay hor-istaagto dacwada ay ka gudbiyeen

Febraayo 10 (Ceegaag)— Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya inay isku dayday inay hor-istaagto dacwadii ku saabsaneyd muranka xaga Badda ee ay u gudbiyeen Maxkamadda Cadaaladda ee fadhigeedu yahay dalka Holland.

Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay in Kenya ay gudbisay dacwad ah in muranka kala dhaxeeya lagu dhameeyo wada hadal, isagoo xusay in dacwada haatan ay hor-taallo Maxkamadda, isla markaana aysan jiri doonin wax wada hadal ah.
“Sidaad la socotaan Umadda Soomaaliyeed waxa ay gudbisay dacwad quseeya muranka badda ee labada dal Qaanuuniyanna waxa ay ahayd in dowladda kenya ay ka soo jawaabto laakiin waxa ay keentay is hor istaag annagana is hortaaggaas ayaan jawaab ka bixinnay dacwaddana waan gudbinnay, waxa la dhageysanayana waa is hor istagga kenya ee Arrintan iyo Dacwaddeenna aan ku diidnay Is hor istaaggaas”ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay inay ka go’an tahay in iyaga iyo Kenya ay ku kala baxaan Maxkamadda Cadaaladda.
Dowladda Kenya ayaa dhowaan sheegtay in qaab wada hadal ah lagu dhameyn doono muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply