Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xeer Ilaaliyaha Guud “Waa in la magacaabo Guddiga madaxa banaan ee la dagaallanka Musuq maasuqa”

December 12 (Ceegaag)— Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay inay muhiim tahay in la magacaabo Guddi madaxa banaan oo la dagaalama musuq maasuqa.
Isagoo ka qeyb galayay dood ka baxeysay Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in Guddiga madaxa banaan ee la dagaallanka musuq maasuqa uu suura gelinayo ka hor-taga musuqa ka dhex jira hey’adaha dowladda iyo in cadaalada la horkeeno cidii lagu helo musuq maasuqa.
Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in guddigan uu horseedi dooni in wax walba lagu dhaqo cadaalada, isagoo ku baaqay in hay’adaha dowladda ay xoogga saaraan la dagaallaanka musuq maasuqa.
“In hay’adaha ka shaqeynaya ama baaraya kiisaska la xiriira musuq maasuqa waxaa muhiim ah inay noqdaan kuwa ka madax banaan hay’adaha dowladda, sharciga inay raacaan oo ha-kuu tilmaamo waddo aad mareyso, waxyaabaha kale ee u baahan in la sameeyo waxaa ka mid ah in la dhiso Guddiga Madaxa banaan ee la dagaallanka Musuq maasuqa, waxaa kaloo muhiim ah iyana in la dhiso guddiga Madaxa banaan ee garsoorka”ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Qaranka.
Hey’addaha dowladda ayaa horay waxaa u jiray dhaliil ku aadan in musuq maasuq ay ku kaceen, inkastoo aanay jirin cid loo maxkamadeeyay ama sharciga la horkeenay.
Soomaaliya ayaan laheyn Guddiyo la dagaalama musuq maasuqa, waxaana ay safka hore sanadihii la soo dhaafay ka gashay dalalka ugu musuq maasuqa badan.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply