Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo Baaritaan gaar ah ku samenayo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.

November 21 (Ceegaag)–Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa ka dagay Magaalada Baladweyne si uu baaritaan gaar ah ugu sameeyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo lagu ee deenayo in uu ka danbeeyey dil loo geystay Sarkaal ka tirsan Qaramada Miboobay oo lagu Dilay Baladweyne.
Xeer ilaaliyaha ayaa la kulmay Guddi ka kooban 7-Xubnood oo Magacaabay Wasiirka amniga gudaha Dowladda Federaalka C/risaaq Cumar Maxamed,oo baaris ku sameeyey 14 askari oo ka mid ahaa ilaalada Gaar ah ee Gudoomiyaha,Xeer ilaaliyaha waxa uu kaloo la kulmay wax garadka Magaalada si uu u helo xog dheeraad ah oo la xiriirta kiisk uu baarayo.
Baariistaan waxaa dhinac ka ah saraakiil ka socota xeerilaalinta qaranka oo ka mid ah Wefdi shalay tagy magaalada Baladweyne,waxaan cad in Culeys weyn la saaray Xaqiijinta Cidda Rasmiga ah ee ka danbeysay Dilka Marxuum Mahdi Xuseen.
14-ka Bishaan November Bartamaha Magaalada Baladweyne Illaalada Gaar ah ee Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan,waxa ay dileen Madixii Hey’adda Miino Baarista Qaramada Miboobey ee Gobolka Hiiraan Marxuum Mahdi Xuseen,dilkaasi ka dib waxaa xiisad Colaadeed ka jirta Magaalada Baladweyne
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply