Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xildh. Goodax: “Guddoomiyaha Baarlamaanka dhexdhexaad kama aha mooshinka lagu saxayo hoggaanka dalka

Oktoobar 13, 2015 (Ceegaag) —Xildhibaanada C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ah xildhibaanada ugu cadcad ee guddoonka Baarlamaanka farta ka saaray mooshinka madaxweynaha ka dhanka ah ayaa mar kale hadlay, isagoona Guddoomiyaha Baarlamaanka ku eedeeyay inuusan dhexdhexaad ka ahayn mooshinka ay u gudbiyeen.
Isagoo ka hadlayay kulankii dhowaan ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay in shirkaasi uu ahaa mid aan sharci ahayn isla markaana qiil loogu raadinayo sidii looga hortegi lahaa mooshinka aanu gudbinay.

“Guddoomiyaha Baarlamaanka dhexdhexaad kama aha mooshinka lagu saxayo hoggaanka dalka” ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Goodax oo u waramayay BBC-da, isagoona sheegay in xildhibaanada dhinacooda ah ee ka qeyb galay kulankaasi ay ahaayeen kuwo la cadaadiyay.

Xildhibaan Goodax ayaa sheegay in xarunta Villa Somalia ay ka socdaan carqalado lagu abuurayo sidii looga hortegi lahaa mooshinkaasi, wuxuuna caddeeyay in mooshinkooda aanay marnaba ka laabaneynin, waayo buu yiri Waajib ayay nagu tahay inaanu saxno hoggaanka dalka.

Mooshinkaan ayaa wararka qaar waxay ku tilmaameen mid caqabad horseedi kara hadii aanan laga gaarin xal degd eg ah.

Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply