Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xildhibaan Cabdi Xaashi “Wax sharci ah oo ay ku xiran yihiin ma jirto Wariyeyaasha Unversal TV


October 4 (Ceegaag)— Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ah Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta Baarlamaanka ayaa sharci darro ku tilmaamay xariga Agaasimihii Telefishinka Universal ee Bariga Afrika Wariye Cawil Dahir Salaad oo ah barnaamij soo saare ahna daadiyaha Barnaamijka Dood-Wadaag.
Labadan xubnood ayaa xalay lagu xiray xarunta Nabadsugida Gobolka Banaadir, kadib markii looga yeeray, waxaana sababaha loo xiray lagu tilmaamay dood ka baxday Telefishinka Universal labo cisho ka hor oo looga hadlayay xaalada Soomaaliya, isla markaana ay ka qeyb qaateen barnaamijka kulanka dood wadaag Xildhibaanada kala ah Maxamed Cabdi Yuusuf iyo Cabdi Xaashi Cabdulaahi.
Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo la hadlayay Idaacada BBC ayaa sheegay in xariga suxufiyiintaas aan wax sharci ah loo marin, isla markaana aanay jirin dambi ay galeen, marka laga reebo inay iyaga wareysteen, isla markaana sii daayeen wareysiga sida uu yiri.
“Waxaa rabaa inaan idin sheego sabab lagu xiro wariyeyaashaas ma jirto, hadee wariyaha warbuu uruuriyaa, anagana wuu na wareystay, wax ay galeen ma jirto oo aan ka aheyn warka ay sii daayeen, hadii qofka dambi galo waxaa lagama maarmaan ah in warqad Maxakamd u jarto, intaas ma dhicin ciidan ayaa xirtay”ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Xaashi.
Xildhibaanka ayaa sheegay in sharciga Warbaahinta uu wali la yaalo Baarlamaanka, isla markaana hadii sharcigaas la meel mariyo ay wax badan meesha ka baxayaan, sida wariyeyaasha la iska xirto.
“Waxaa diyaarinay sharciga Baarlamaanka, walina lama ansixin, baarlamaanka ayuu la yaallaa, waxaa ka xumahay asigoo la ansixin in Baarlamaanka la xiray, xuquuqda oo dhan ayuu sharcigaas ku qoran yahay, waxaa rajeynayaa hadii sharcigaas soo baxo in wax badan meesha ka bixi doono”ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Xaashi.
Sidoo kale Maxamed Cabdi Yuusuf oo ahaa Xildhibaankii labaad ee dooda ka baxday Universal ka qeyb qaatay ayaa sheegay in wariyeyaasha la xiray aysan jirin dambi ay galeen, marka laga reebo in iyaga laga wareystay xaalada dalka, iyo sida ay wax u socdaan.
Ciidamo ka tirsan Nabadsugida ayaa xiray Xafiiskii Telefishinka Universal ee magaalada Muqdisho, iyadoo aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay Laamaha ammaanka oo ku saabsan xariga mas’uuliyiintan ka tirsan Telefishinka Universal.
Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply