Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xildhibaan Cabdiwali Gaas oo UNHCR ka codsaday inay ka dhiciyaan Qaxootiga Soomaalida Kiinyaatiga

Dawlada kenya ayaa arintani uga jawaabeysa ka dib markii amaanka gudaha kenya uu noqday mid sii xumanaya, waxaana dawlada ay Magalada Nairobi ka qabtay kumanaan ruux oo la sheegay in dib loogu celin doono dalka Soomaaliya, maadama Soomaaliya haatan noqotay dal nabad ah mana jirin ilaa iyo xiligaasi masuul soomaaliyeed oo si toos ah ula hadlay dawlada kenya,xaalada qaxootiga ku jira gudaha kenya.

Raiisul-wasarihii hore ee DKMG ahayd ee Soomaliya C/wali maxmed Cali ayaa waxaa uu ka hadlay Arimaha la xiriira qaxootiga ku jira gudaha dalka kenya ee maalmihii ugu danbeyay ay ku socotay qabashada iyo Xir-xirida ay ku hayaan ciidamda kenya oo sheegay in ay Soomalida ku  lug leedahay qaraxyada ka dhacaya dalka kenya.
Xildhibaal C/wali maxmed Gaas ayaa isagoo ku sugan Magalada Nairobi  waxaa uu si cad u sheegay in aysan macquul ahayn in Kenya dib u celiso dhamaan qaxootiga ka soo gudbaaya xuduuda, isagoona ka dalbaday UNHCR in ay gacan ka geysato sidii loo xakameyn lahaa dhibaatada xoogan ee soo foodsaartay qaxtiga Soomaalida ee ku nool gudaha Kenya.
“Dadka barkacayaasha ah waxaa ay sameysteen goobo ganacsi kuwaasi oo horumar ku soo kordhiyay deganada ay ku nool yihiin, qayb ahaana waxaa ay noqdeen deegaan, mana dhici karto in qof deegaan ah uu gurigiisa gubo ama qarxiyo” ayuu hadalkiisa ku yiri mudane gaas.
Hadalkani ayaa ku soo beegamaya iyadoo wali ay ka socoto Degmada islii arimaha xirxirda lagu hayo dadka shacabka Soomaalida ah, waxaana la arkayaa ciidamda dawlada kenya oo ku jira meelaha Soomaalida ku badan tahay, taasi oo Soomalida ku noqotay cabsi soo wajahday.
Dhawaan waxaa Maxkamad la soo taagay 600-ruux oo Soomaali ah kuwaasi oo loo heystay qaraxii lagu dhaawacay xildhibaan Yuusuf Xasan Dad badana ku geeriyooden,waxaana sidoo kale wali soconaya dabagalka ay ciidamda kenya ku hayaan dadka caadiga ee ku dhaqan islii taasi oo walaac xoogan ay soomaalida ka muujiyeen.

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag