Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Janaayo 05 (Ceegaag) — Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo xildhibaanada baarlamaanka Somalia ka tirsan ayaa sheegay inay xabsiyada Muqdisho ay ka buuxaan dad badan oo maxaakiin ah, kuwaasoo uu xusay in loo awoood sheegtay.
Prof. Dalxa ayaa intaa ku daray in dadka qaarkood loo haysto kiisas ay galeen, halka kuwo kalena aanay wax dambi ah lahayn, laakiinse ay muddo badan xabsiga isaga jiraan, isagoo xusay in dadkaas ay u baahan yihii inay cadaalad helaan.
Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay in Muqdisho ay waayadan dambe aad ugu soo badanayaan dhulalka la kala boobayo, isla markaana la boobaayo hantida ay dadku leeyihiin gaar ahaan guryaha.
“Muqdisho waxaa kusoo badanayay xiliyadan dhul boob oo joogta noqday, hadii aad eegto maxkamadda gobolka Banaadir dad badan oo dhul isku haysta ayay dacwado uga furan yihiin. Arrimaha la yaabka leh ee aad ku arkayso waxaa ka mid ah in dhul illaa 1960-kii la deggenaa ayaa qoyskii lahaa lagu qabsaday,” ayuu yiri xildhibaan Dalxa.
Xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku daray in dadka inta badan dhibaatooyinka kala kulma dhul-boobka ay u badan yihiin kuwo masaakiin ah, isagoo xusay in marar badan la arkay qof rafcaan kasoo qaadanaya maxkamad degmo, halkii uu ka aadi lahaa maxkamadda gobolka iyo midd sare.
Ugu dambeyn, Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa wuxuu ka dalbaday madaxda ugu sarrerysa dalka inay wax ka qabtaan arrimahan, dadka xabsiyada ku yaalla Muqdisho isaga xiranna ay cadaalad, dhulka la boobayana laga hortago.
Ceegaag.com
Figradihiina